Qarax culus ayaa laga maqlay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho gaar ahaan dhanka xeebta Liido halkaas oo ay habeenka jimcaha ay u nasiino tagaan dad badan.
Wararka ayaa Sheegaaya in Hotel Beach View la Weeraray waxaa ka dhex dagaalamaya koox Hubaysan oo la Sheegay Inay ka Tirsanyihiin Alshabaab . Qarax ayuu weerarka ku bilowdey.
Xaaladu ma aha mid sahlan. Waxaa jira dhimasho & dhaawac Durbadiiba Lasoo Warinaayo.
Qarax xooggan ayaa ka dhacay Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis ee Gobolkaan Banaaditlr.
Qaraxa ayaa ka dhacay waddo u dhaxaysa laba Maqaayadood oo liida ku taalla.
Maleeehiyaad hubaysan ayaa la wariyay in gudaha u geleen mid ka mid ah Maqaayadaha halkaas oo Bambaanooyin iyo Rasaas badan laga dhex maqlayo.
Dad badan ayaa la wariyay in ay dhaawacmeen islamarkaana aan la xaqiijin karin dhimashada.
Dad ku sugnaa Liido ayaa wariyay in ay goobta iskaga carareen qaraxa kaddib, dad badanne ay ku sugnaayeen Xeebta iyo hareeraheeda maadaama ay Jimca ahayd.