Ciidamada NISA ee Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay odayaal saakay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado, kuwaas oo ka yimid deegaannada ay maamulaan kooxda AS oo ay kal hore aadeen.
Waxaa fulay amarkii Wasiirka Amniga Galmudug uu faray laammaha ammaanka in ay soo qabtaan meel walba ay ku arkaan odayaashaan, waxaana loo soo qaaday caasimadda Galmudug, waxaana lagu wadaa in loo soo qaado Muqdisho.
Dhawaan ayay Odayaashaan Heshiis Gaaraya 14 Qodob lasoo Saxiixdeen Kooxda Alshabaab kuwaas oo kasoo Daayay 70 Qof oo Maxaabiis ahaan u Haysteen.
Ad