Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: NISA oo Howlgal ku laayay Alshabaab Farabadan

War Deg Deg ah: NISA oo Howlgal ku laayay Alshabaab Farabadan

0

Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay xogta howl-gal qorsheysan oo maanta lagu bartilmaameedsaday goob ay isku aruursanayeen dagaal-yahaano Al-Shabaab ah.

Howl-galkan ayaa waxaa lagu dilay illaa 19 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo ciidanka NISA ay ka fuliyeen goob qarsoodi ah oo maleeshiyaadka ay doonayeen inay isku aruursadaan.

Sida ay shaacisay hay’adda NISA, goobtan ayaa waxay u dhowdahay deegaanka Yaaqle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Howl-galkan ayaa yimid kadib markii Maleeshiyaad Khawaarij ah ay isugu yimaadeen goob fariisin qarsoodi ah u ahayd, xilli Sirdoonka Qaranku uu si dhaw ula socday dhaq-dhaqaaqooda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda NISA.

Goobtan uu howl-galka ka dhacay ee la beegsaday ayaa illaa iyo afar mar waxaa kacay dab xoogan, taasi oo muujinaysa in halkaas lagu gubay qaraxyo iyo saanad kale oo hub ah, sida ay shaacisay NISA.

“Ciidamada qaranka waxaa ka go’an in ay meel kasta ku beegsadaan cadawga Khawaarijta ah ee ku hawlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA.

NISA ayaa door muhiim ah uga jirta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo haatan dardar cusub lagu wado, kadib hoos u dhac ku yimid muddooyinkii dambe, ayadoo kooxda ay weli muujineyso inay qaadi karto weerarada ka dhanka ah fariisimaha ciidanka.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleGuri ku yaalay Camaara oo Saakay La duqeeyey iyo khasaaro Ba’an oo ka Dhashay
Next articleFahad oo soo jeediyay Sida Kaliya ee Axmed Madoobe lagula Heshiin karo