Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Mahada Salaad oo Gaaray Gobalka Gedo

WAR DEG DEG AH: Mahada Salaad oo Gaaray Gobalka Gedo

0

Agaasimaha hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Doolow oo ka tirsan gobolka Gedo.

Mahada Salaad iyo wafdiga uu horkacayo ayaa waxa Doolow ku soo dhaweeyay qaar kamid ah mas’uuliyiinta gobolka.

Agaasimaha NISA ayaa lagu wadaa in kulamo la yeesho qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka, xilli ay maalmihii dambe xiisad siyaasadeed xoogan ka taagneyd Gedo.

Gobolka ayaa sidoo kale lagu wado inay ka bilaaban doonaan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, ayada oo Jimcihii ay halkaasi gaareen wasiirkii hore amniga dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Senator Cabdullaahi Fartaag oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare.

9-kii bishaan ayey aheyd markii taliyihii Nabad-sugidda gobolka Gedo Bakaal Kooke uu ku geeriyooday degmada Luuq kadib markii gaarigiisa loogu xiray Qarax.

Safarka Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa imanaya xilli uu sii xoogeystay khilaafka ka taagan gobolka Gedo, kaasi oo u dhaxeeya maamulka gobolka iyo dolwad-gobaleedka Jubbaland ee uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxa uu kusoo beegmaya xili ay Jubbaland ka dalbatay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre in uu soo fara-geliyo xiisada ka taagan gobolkaas, waxayna walaac xoogan ka muujisay xaalada amni, maamul iyo bini-aadanimo ee ka jirta gobolka Gedo.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleMadaxweyne Laftagareen oo Cafis u Fidiyay Maxaabiis Farabadan(Sawiro)
Next articleMuda Xileedkii Madaxweyne Laftagareen oo Maantay Dhamaaday