Home Wararka Somaliya Galmudug War Deg Deg ah: Magaalada Guriceel oo Lagu laayay Dad Itoobiyaan ah

War Deg Deg ah: Magaalada Guriceel oo Lagu laayay Dad Itoobiyaan ah

0

Maantay Waxaa Magaalada Guriceel ka dhacay Fal lagu laayay Dad itoobiyaan ah oo ku sugnaa Magaalada Guriceel Dadka lalaayay ayaa ka Shaqaynaayay Aruurinta Biraha Qashinka ah ee Yaala gudaha iyo Daafaha Magaalada Guriceel.

Itoobiyaanka ayaana Biraha Qashinka ah kadib U dhoofin jiray Wadanka Itoobiya Si dib looga Faaidaysto Dadkaan oo Shaqadooda Bira aruurinta Ku jiray ayaa La sheegay inuu u yimid askari ku labisnaa Tuutaha Mileteriga Kadibna uu Rasaas ooda Uga Qaaday.

rasaasta Kadib isla Goobtii Waxaa ku geeriyooday Mid ka mid ah Ragii Itoobiyaanka ahaa Halka Midkalana uu Dhaawac Halis ah Soo Gaaray kaas oo Haatan Lagu Dabiibaayo  Cisbitaal ku yaala Magaalada Guriceel.

Askariga Falkaan gaystay ayaana Magaalada Iska Sii Galy  Madaama dadka uu laayay aysan ahayn Soomaali lama oga waxa Askarigan uu ka Xumaaday ee sababay inuu Laayo Itoobiyaankaan Biraha aruursanaayay.

Galmudug waxaa Mudooyinkii Danbe Soo Buux dhaafiyay Dad Itoobiyaan ah oo Isugu jira Rag iyo Dumar Kuwaas oo Qaarkood Magaalooyinka Ka shqaysta Halka Qaar kalana Ay Tuugsadaan.

Maamulka Galmudug gaar ahaan Maamulka Guriceel ayaan wali Ka Hadlin Xaaladaan oo goordhow Dhacday lamana Oga Talaabada ay qaadi Doonaan.

Ad
Previous articleMaxamed bin Salmaan oo Digniin deg deg ah u diray Israil
Next articleWadahadalo lagu Heshinaayo Xasan Shiikh iyo Axmed Madoobe oo Bilowday