Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Madaxweynihii hore ee Suudaan Al-Bashiir oo xabsiga laga...

WAR DEG DEG AH: Madaxweynihii hore ee Suudaan Al-Bashiir oo xabsiga laga sii daayey

0

Maxaabiis tiro badan oo ku jiro Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa lagu soo warramayaa in laga sii daayey xabsiga Kubar oo ku yaalla Waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

Warkan ayaa waxaa goor faafisay Wakaalada wararka ee Anadolu ee dalka Turkiga

Al-Bashiir ayaa xabsigan ku jirey tan iyo sannadkii 2019 kii ka dib markii xilka lagaga tuuray kacdoon dadweyne oo sababay afgembi ciidan oo ka dhacay dalkaasi.

Weli  lama faahfaahin halka uu tegay Al-bashiir iyo cidda amnigiisa damaanad qaaday, waxayna arrintani ku soo beegantay xili dagaalo culus ay ka socdaan magaalada Khartuum.

Ad