Home Wararka Maanta War Deg Deg Ah: Madaxweyne Wiliam Ruto oo markale Adan Bare Ducaale...

War Deg Deg Ah: Madaxweyne Wiliam Ruto oo markale Adan Bare Ducaale u magacaabay Wasiirka Gaashaanshiga Kenya

0

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dib u magacaabay lix xubnood oo ka tirsan golihiisa wasiirada todobaadyo kadib markii uu xilalka ka qaaday. Madaxweynaha ayaa magacaabay kow iyo toban xubnood oo ah kala bar tirada uu dastuurku ogol yahay.

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in uu wali wado la tashiyo sababo la xiriira kala qeybsanaanta siyaasadeed ka hor inta uusan soo dhisin dowlad sal ballaaran.

Waxaa xusid mudan in dadka dib loo magacaabay ay ka mid yihiin Kithure Kindiki oo horay u ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo Aadan Barre Ducaale oo isna ahaa wasiirka gaashaandhigga.

Waxaa jiray baaqyo loogu baaqayay inuu iscasilo oo ku aaddan sida uu u maareeyay mudaaharaadyadii cashuuraha lagaga soo horjeeday ee toddobaadyadii la soo dhaafay ay ku dhinteen in ka badan 40 qof.

Booliska ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay afduubteen oo ay si aan sharci ahayn u xireen dadka mudaaharaadayay.

Horaantii bishan Luulyo, madaxweyne Ruto ayaa la kulmay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, wuxuuna ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu sameeyo guddi wada-hadal oo ka kooban 150 xubnood si ay gacan uga geystaan​​xallinta xiisadda taagan.

Balse dhalinyarada Kenyanka ah ee soo abaabulay banaanbaxan ayaa ku gacan seyray qorshihiisa, waxayna ku adkeysteen inuu kala diro golaha Wasiirada, islamarkaana uu tallaabo ka qaado mas’uuliyiinta musuq maasuqa sameeyay.

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda
Ad
Previous articleSheekh Shariif oo durba culeeska ku kordhiyay Xasan Sheekh iyo Kulamo Xasaasi ah oo Socda
Next articleAlshabaab oo Dagaal Qaraar kadib laga Saaray Dhul Balaaran hubna laga Furtay