Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Itoobiya oo Ka Laabatay heeshiiskii ay La gashay...

War Deg Deg ah: Itoobiya oo Ka Laabatay heeshiiskii ay La gashay Soomaaliland ee Badeena

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey Hakan Fidan ayaa shaaciyey in Itoobiya ay si rasmi ah uga codsan doonto Soomaaliya helida deked. Sidoo kalana ay aqoonsan doonto Madax bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taasoo ka dhigan in Itoobiya ay ka laabatay heshiiskii MOU-ga ee la gashay Somaliland.

Hadalka Wasiirka Arrimaha dibada ee Turkiga oo todobaadki hore safar ku tagay Addis Ababa ayaa muujinaya horumaro laga sameeyay dhex dhexaadinta uu Turkigu ka dhex wado Soomaaliya iyo Itoobiya,.

iyadoo la filayo in todobaadka soo socda ay dib u bilowdaan wajiga labaad ee wada hadalka labada dhinac ee gogoshiisu fidsan tahay Ankara.

Ad
Previous articleMaxaa mar kale calanka Puntland looga hadal hayaa dalka Mareykanka?
Next articleYaa Ka Danbeeyey Geerida Fanaanad Asma Saban oo Ku Geeriyootay..