Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Golaha Wasiirada oo Ku Dhawaaqay Taliyaha Cusub ee...

War Deg Deg ah: Golaha Wasiirada oo Ku Dhawaaqay Taliyaha Cusub ee Booliska Soomaaliya

0

Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay magacaabista taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kadib oo jeedin ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha.

Taliyaha cusub ayaa sida aan horay idin-kula wadaagnay, kadib xog ay baahisay Warbaaintu waxaa loo magacaabay Asad Cismaan Diyaano oo kasoo jeeda Puntland, kaas oo ay magacaabistiisa maanta meel-mariyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Shirka oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha Golaha ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, ayada oo ansixinta kadib warbixinnno kala duwan laga dhageystay wasaaradaha amniga iyo gaashaandhigga.

Ninkan oo horay usoo hoggaamiyay ciidanka PSF-ta Puntland, sidoo kale laba jeer usoo tartamay xilka madxweynaha Puntland ayaa beddalaya taliyihii hore ee ciidanka Booliska Sulub Axmed oo isna xalay ra’iisul wasaare Xamza uu u magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulita hawada Soomaaliya.

Sulub kahor inta aan xilka laga qaadin waxaa madaxweynaha Soomaaliya uu usii dalacsiiyay darajada Sarreeye Gaas, kadib munaasabad xalay ka dhacday xarunta taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha cusub ee la magacaabay ayaa waxaa looga fadhiyaa inuu horay usii wado howsha Booliska oo ay ugu horreyso sugidda amniga caasimada Muqdisho.

Si kastaba, waxaa magacaabista Asad Diyaano kasii horreeyay tallaabo kale oo uu xalay qaaday madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu la-taliyeyaashiisa arrimaha dimuquraadiyadda iyo federaalka u kala magacaabay Axmed Jaamac Maxamed (Cillal) iyo Cabdisamad Maxamed Gallan oo labaduba deegaan ahaan kasoo jeedo Puntland, kana mid ah mucaaradka madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni).

Ad
Previous articleAsad Diyaano Maantay Ma lamagaacaabi Doonaa?
Next articleHowlgal Gaadmo ah oo alshabaab lagu Qaaday Iyo Khasaaro Culus oo Ka dhashay