Home Wararka Somaliya Galmudug War Deg Deg ah: Galmudug oo lagu Soo kordhiyay Gobal Cusub Magiciis

War Deg Deg ah: Galmudug oo lagu Soo kordhiyay Gobal Cusub Magiciis

0

Galmudug ayaa caawa lagusoo Kordhiyay Gobal Cusub oo ka Mid noqonyaaa Galmudug po ka Koobnayd Gobal iyo Bar.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug.

Ugu horreyn golaha ayaa warbixin buuxda oo ku saabsan amniga deegaannada Dowladda Galmudug ka dhageystay wasiirka wasaaradda Amniga.

Intaas kaddib Goloha ayaa dood dheer ka yeeshay wajiga koowaad ee unkidda gobollo cusub oo ka mid noqonaya Gobollada Dowladda Galmudug, waxaana dood dheer kaddib goluhu cod gacan taag ah ku ansixiyay goboleynta Gobolka Gal-Waaq , kaasoo oo loo gudbin doono golaha wakiillada Dowladda Galmudug si loo dhammeystiro ka mid noqoshadiisa gobollada Dowladda Galmudug.

Gobalkan oo dhaco waqooyiga Galmudug ayaa ka gooban 5 dagmo oo kale ah

#Abudwaq
#Balanballe
#Xeraale
#Dhabad
#Galinsoor

Ugu Danbayn golaha ayaa warbixin la xariirta halka uu marayo qorshaha dhismaha Dekedda Hobyo ka dhageystay wasiirka wasaaradda Dekedaha, isagoo wasiirku shirka golaha ka dhex sheegay xilliga sida rasmiga ah uu u billaaban doono dhismaha Dekedda.

Dhammaad.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Isugu Yeeray Saraakisha Amniga Soomaaliyo Iyo Dagaal ka Dhan ah Itoobiya….
Next articleDowlada Itoobiya oo Markale Ku Celisay inaysan Masar ogaalnayn inay Soomaaliya Timaado