Dowlada Soomaaaliya ayaa Sacaado badan Kadib Kahadashay Hubkii Dad Shacab iyo maleeshiyaad isugu Jira Ku Boobeen Duleedka Magaalada caabudwaaq.
Dowlada Soomaaliya ayaana Sheegatay in Hubkaan ay ogaatay inuu Dalka Kusoo galay si Sharci Dara ah Kadibna ay Qabatay Ayadoo Udirtay Ciidan Ka tirsan Nabab sugida Soomaaliya.
intaas kadib Dowlada Soomaaliya waxay Sheegtay Hubkii inay Wadada Ugaleen Maleeshiyaad Hubaysan ayna Boobeen Waxayna Cadaysay inay Ka Xuntahay Falkaas ay ku kaceen Maleeshoyaadka Hubaysan.
Dhanka kale Dowlada Soomaaliya ayaa wacad ku martay Inay Hubkaas kusoo Celinayso gacanta Dowlada ayna Talaabo adag ka qaadi Doonto Cidkasta oo Falkaas ku lug lahayd.
Dowlada Soomaaliya ayaana Ciidamadii ugu Badnaa Ku daad Guraynaysa Magaalada Caabudwaaq Si ay Hubkaas looga Soo Celiyo Maleshiyaadkii uu gacanta Ugalay.
Dowlada Soomaaliya ayaana Ka tacsiyaysay Dadkii Ku dhintay Falkaas kuwaas oo isugu jiray Ciidan katirsan Nabad sugida Soomaaliya iyo Maleeshiyaadkii Hubka Boobaayay Kadib Markii U Dagaal qaraar Dhex Maray.