Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Dowlada Soomaaliya iyo Itoobiya oo shirkii Arimaha Badda...

War Deg Deg ah: Dowlada Soomaaliya iyo Itoobiya oo shirkii Arimaha Badda Soomaaliya Fashil Kusoo Dhamaaday

0

Wararka ka imaanaya dalka Turkey ayaa sheegaya in uu natiijo-la’aan ku soo dhammaaday kulan la isugu keenay wakiillo kala matalayay Soomaaliya iyo Itoobiya oo la rabay in xal looga gaaro khilaafka labada dal.

Ilo xogogaal ah ayaa noo xaqiijiyay in wafdiga dawlada Soomaaliya ay ku adkaysteen in aysan gorgortan ka galaynin arrimaha uu khilaafku ka taagan yahay oo ah heshiiskii badda ee ay sida sharci-darrada ah Itoobiya ula saxiixatay Somaliland.

Kulankan ayaa ahaa mid ku yimid codsi ay Itoobiya marsiisatay dalalka Qatar, Mauritania iyo Turkey oo ay ka dalbatay inay dhexdhexaadiyaan iyaga iyo Soomaaliya.

Intii wada hadalada socdeen ma jirin wada hadal fool ka fool ah oo ay yeesheen labada wafdi, iyadoo Turkigu ay u kala dabqaadayeen labada dhinac.

Markii uu kulanka soo dhammaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey oo ay garbihiisa taagan yihiin wasiirrada dhiggiisa ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana uu Hakan Fidan sheegay in kulamadu ay sii socon doonaan, dibna la isugu soo laaban doono 2 bisha September ee sannadkan.

Dawladda Soomaaliya ayaa mawqif adag ka taagan difaaca madaxbannaanida dalka, waxaana go’aankeedaas oo ay meel walba ka caddeysay loo arkaa inuu caqabad ku noqday Itoobiya oo illaa markii ay heshiiska la saxiixatay Somaliland la kulmaysay cadaadis diblumasiyadeed, kaasoo ku kallifay inay garab ka raadiso dalal saaxiibba ah oo dhexdhexaadin billaaba.

Ad
Previous articleJabuuti oo ka jaawabtay eedayntii ‘jabhadda’ ee uga timid Somaliland
Next articleMaxkamadda sare ee Mareykanka oo Trump ka gaartay go’aan uu Biden ka qeyliyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here