Dowladda Itoobiya ayaa ku dhowaaqday go’aan kale oo sii hurinaya xiisadda haatan ka dhalatay heshiiska badda ee ay kowdii bishaan magaalada Addis Ababa kula gashay maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi, kaas oo ay si weyn uga carootay dowladda federaalka Soomaaliya.
Mesganu Arga ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisu ay Somaliland siinayso aqoonsi buuxa, isla markaana uu kamid yahay qodobada heshiiska ay wada galeen labada dhinac.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tallaabada koowaad ee Itoobiya qaadeyso kadib heshiiska uu noqonayo aqoonsiga, sida uu hadalka u dhigay.
Itoobiya iyo Somaliland ayaa Isniintii heshiis is-afgarad ku gaaray Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.
Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.
Madaxda sare ee dalka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa intooda badan si isku mid ah uga fal-celiyay arrintaan, ayaga oo meel adag iska taagay in Itoobiya ay dhul badeed ka hesho Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay Baarlamaanka, isagoo si kulul uga hadlay heshiiskaasi.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in aysan jirin cid awood u leh in Soomaaliya cad kamid ah ay bixiso, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska shalay lagu gaaray Addis Ababa.
“Cid awood u leh in Soomaaliya cad ka mid ah inay bixiso awoowayaasheena iyo aabayaashheena ayaa diiday anaga inta aan nooleyn ayaan diiday, waxa ka dhacay Addis Ababa 1 Janaayo 2024 sinaba dhaqan gal kuma noqon karo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale waxa uu Abiy Axmed uga digay heshiiska uu la galay madaxweyne Muuse Biixi, “Federaal ha joogo ama maamul goboleed ha joogo qof taako ka mid ah Soomaaliya idin siin karo ma jiro, ee haku kadsoomina.”
Xiriirka labada dal ayaa tobanaankii sano ee la soo dhaafay ahaa mid aad u xoogganaa, waxayna Itoobiya saaxiib dhow la aheyd xukuumaddihii dalka isaga kala dambeeyay tan iyo sanadkii 2004-tii.