Kooxo burcad hubeysan ayaa xalay salaadii cishaha kaddib xaafada Shanta Geed ee degmada Dharkeenley, waxa ay ku dileen nin oday ah oo kamid ahaa dadka deegaankaasi ku dhaqnaa.
Sida aan wararka ku helnay burcad hubeysan oo moobeel ka dhaceysay ayaa toogtay marxuum Cabdullaahi Cabdi Cumar oo 50-sanno jir ahaa, marxuumka ayaana xilliga la dilayay ka baxay masaajiid uu ku xirnaa uu ku dukaday kuna sii jeeday gurigiisa.
Dadka deegaanka ayaa ku waramay in burcada dhowr xabadood ku dhufteen marxuumka horeyna uga sii qaateen moobeelkii uu watay, waxaana baxsaday oon gacanta lagu soo dhigin raggii burcada ahaa ee dilka geestay.
Ehelada marxuumka ayaa sheegay in uu ahaa nin wannaagsan oo si fiican looga yaqaanay deegaanka, waxa ayna sheegeen in uu ahaa nin wadaad ah oo ku xirnaa masaajidka kana mid ahaa dadka kutubada ka raacda.