Baarlamanka Turkey ayaa ansixiyey mooshin madaxweyne Erdogan awood u siinaya inuu ciidamada badda geeyo biyaha Soomaaliya muddo laba sano ah.
Heshiiska ayaa yimid kadib markii Ethiopia ay heshiis la gashay maamulka Somaliland bishii Janaayo, kaasi oo Addis-Ababa lagu siinayo dhul-badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed. Heshiiska waxaa si xooggan uga horyimid dowladda federaalka Soomaaliya.
Turkey ayaa horraantii July marti-gelisay wada-hadallo u dhaxeeyey wasiirada arrimaha dibedda Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo aan miro-dhalin. Inkasta oo Itoobiya ay codsatay dhex-dhexaadinta, haddana ilo-wareedyo ayaa sheegay inay ka cago jiiday in horumar laga gaaro.
Arrintaas ayaa wararku sheegayaan in Turkey ay ku qasabtay inay dedejiso fulinta  ballan-qaadka difaaca Soomaaliya iyo ansixinta heshiiska.
Faah-faahin dheeraad ah, naga filo goor dhow, Insha Allah.