Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Alshabaab oo weerar Qaraxyo Ku Bilowday ku qaaday...

War Deg Deg ah: Alshabaab oo weerar Qaraxyo Ku Bilowday ku qaaday Difaacyada aadan yabaal

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku bilowday oo saaka kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin aagga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana xigay dagaal toos ah.

Weerarka ayaa si gaar ah maleeshiyada kooxda waxa ay ula beegsatay deegaanka Ceel Cali Axmed oo laga ilaaliyo degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawiisleyda ee Shabeelaha Dhexe.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, waxaana weli xaaladda deegaanka ay tahay mid aad u kacsan oo laga dareemayo saameyta dagaalka.

Ujeedka Al-Shabaab ayaa ahaa inay xoogga saarto deegaanka Ceel Cali Axmed, kadibna ay gaarto degmada Aadan Yabaal oo horay looga xoreeyay kooxda, halkaas oo u ahayd sadhig muhiim ah oo ay ku sugnayd muddo ka badan 15 sano oo xiriir ah.

Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen weerarka Khawaarijta, ayna iska difaaceen dagaalka ay saaka kusoo qaaday.

Al-Shabaab ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in

Ciidanka Puntland oo lagu weeraray buuralayda Xabley ee Gobolka Bari

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib weerar ay xalay kooxda Daacish kusoo qaadday deegaanka Xabley ee degmada

Ciidanka Ahlu-suna oo dib loo dhisayo si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro Al shabaab

Hogaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay jirto dib u howlgalinta ciidamadii Ahlu Sunna ee Gobolada dhexe ka xoreeyay Al shabaab kuwaasi oo kusoo

Caalamka:- Dibad -baxyo xoogan oo ruxay Gobolo ka tirsan Dalka Turkiga

Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa ka qayb qaatay banaanbaxyo ka dhacay guud ahaan dalka Turkiga, kadib markii ninka ay sida weyn u loolamayaan madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan, xabsiga
Ad
Previous articleMa dhabaa in raysulwaare Rooble loo diiday Baasaboorka Dimlomaasiga?
Next articleAlshabaab oo Qabsaday Dagaal qaraar Kadib Qabsaday Dhowr Magaalo oo ka Tirsan Shabeelada Dhexe