Kooxda Alshabaab ayaa Goordhow si fudud oo dagaal la,aan ah ula wareegay deegaanka Miirtaqwo ee Gobalka Shabeelada Dhexe Alshabaab ayaana Gudaha Galay Magaladaan kadib Markii ay isaga Carareen Macwislayda Deegaanka iyo Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya.
Kooxda Alshabaab ayaana Xoogeeda isugu gayssay Gobalka Shabeelada Dhexe oo ay ilaa Hda Ka qabsadeen Sadex magaalo oo waawayn Kuwaas oo kala ah Degmada Ceelbaraf Ceel Cali axmed Biyacade iyo Miirtaqwo oo ay maantay qabsadeen.
Majirto labadii asbuuc ee lasoo dhaafay maalin aysan kooxda Alshabaab weerarin Gobalka Shabeelada Dhexe dowlada Soomaaliya ayaana Xakamayn la weeraradaan isdaba jooga ah.
Ciidamada Dowlada kuwa Macislaysa ayaa wada abaabul ay kaga hortagayaan Weerada Alshabaab ee Gobalka Shabeelada Dhexe.
Hadii alshabaab ku gulaystaan inay Magaalooyin Hor le Qabsadan waxay usii gudbi doonaan Gobalka Hiiraan iyo galmudug oo aan ashabaab badan Hada Joogin.