Home Wararka Maanta War cusub oo kasoo kordhay duqeyntii Mareykanku dhowaan la beegsaday Daacishta Soomaaliya

War cusub oo kasoo kordhay duqeyntii Mareykanku dhowaan la beegsaday Daacishta Soomaaliya

0

Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa faahfaafin dheeraad ah ka bixiyey duqayn dhanka cirka ah oo kowdii bishan Febraayo ay ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Puntland.

Waxay sheegeen in duqayntooda oo lala kaashanayo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, uu talisku fuliyay duqeymo cirka ah oo ka dhan ah Daacishta Soomaaliya 1-dii Febraayo, 2025. Duqeymaha wadajirka ahaa ayaa lala beegsanayay hoggaanka sare ee Daacishta Soomaaliya oo ku dhuumaalaysanayay meelo godad ah oo ku yaal qiyaastii 50 mayl meel koonfur bari ka xigta magaalada Boosaaso.

Taliska ayaa hadda shaaciyay in dhowaad 14 ka mid ah xubnaha Daacishta Soomaaliya ay ku dhinteen duqeymahaas, iyada oo aan dad rayid ah waxyeello gaarin.

Kuwa ku dhintay waxaa ka mid ahaa ayaa lagu yiri warbixinta AFRICOM “nin lagu magacaabp Axmed Maeleninine, oo ahaa xubin muhiim ah oo maalgelinayay, isla markaana hoggaaminayay hawlgallada dibadda ee Daacish, mas’uulna ka ahaa u dirista jihaadiyiinta gudaha Mareykanka iyo Yurub.”

Warkaan ka soo baxaya taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in “hoos u dhigista awoodda Daacish iyo ururrada argagixisada kale ee qorsheynta iyo fulinta weerarrada khatarta ku ah dhulka Mareykanka, xulufadiisa iyo shacabka ay weli yihiin kuwa ugu muhiimsan ee Taliska uu qaadayo.”

Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo maamulka Puntland uu dagaal ba’an kula jiro Daacishta Soomaaliya, iyadoo dagaalladii ugu dambeyay ay Puntland sheegtay in xubno badan ay kaga dishay Daacish.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articlePuntland Lacag tii Ugu badnayd ee ay ka heleen Kooxda Daacish
Next articleBooliska Soomaaliya oo Xabsiga ku guray ragii ka Danbeeyey Dagaalkii Qaraaraa ee shalay ka dhacay Muqdisho