Home Wararka Maanta Wakiilada Beesha Caalamka oo Cadaadis saaraya Madaxweyne Farmaajo si uu u Ogolaado.

Wakiilada Beesha Caalamka oo Cadaadis saaraya Madaxweyne Farmaajo si uu u Ogolaado.

0

Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa kulan uu uga furmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wakiilada Beesha caalamka, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga hadlayaan qabashada shir ay yeelanayaan Madaxda dowladda & dowlad goboleedyada, xilliga uu qabsoomayo iyo halka lagu qabanaayo iyo sidoo kale sidii xal looga gaari lahaa muranka hareeyay doorashooyinka dalka oo aan weli wax heshiis ah laga gaarin.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in safarka Mareykanka ee Soomaliya Amb, Donald Yamamota uusan qeyb ka heyn kulanka sababo la xiriira in Diblomaasiyiinta Mareykanka aan loo ogoleen inay ka baxaan xeyndaabka garoonka Muqdisho

Xubanaha Beesha Caalamka ayaa waxaa ay Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ku cadaadinayaan in heshiis ay ka gaaraan arrimaha doorashooyinka maadaama uu geb0gabo yahay mudada xilheynta Madaxda Dowladda Soomaliya.

Xubno uu horkacayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, Jemis Swan ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaateen Madaxda dowlad Goboleedyada, si ay ugu cadaadiyaan in heshiis laga gaarao arrimaha doorashooyinka.

Kulanka Maanta ee Madaxweyne Farmaajo & Xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu baaqday kulan ay dhawaan ku baqeen in la isugu yimaado Madaxda dowladda & Dowlad Goboleedyada

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDowlada Kenya oo ka jawaabtay in Ciidankeeda kala baxdo Dalka Somaliya
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo shir iskugu yaaray Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka