Magaalada Wisil ee koonfurta gobolka Mudug ayaa maanta lagu celiyay afar gaadiidka dagaal ah oo ku wajahnaa magaalada Xarardheere
Gaadiidkan la celiyay oo ka tagay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa hor istaagay ciidanka macawisleyda deeganka, sida ay sheegayan wararka ka imaanaya halkaas
Waxaa jira warar sheegaya in gaadiidka la celiyay ay wadeen gudoomiye cusub oo loo magacaabay Xarardheere balse xogtaasi ma ahan mid la xaqiijiyay ilaa hada
Sidoo kale warar qaar ayaa sheegaya in afartan gaari oo ah nuuca dagaal ay hordhac u yihiin madaxweyne Qoorqoor oo doonaya inuu tago Xarardheere bisha soo socota hase ahaatee is xogtan ayaa aheyn mid loo hayo xaqiiq rasmi ah
Sikastaba gaadiidkan dagaal ee lagu hor istaagay Wisil ayaa weli ku sugan magaalada waxaana socda didaalo lagu doonayo inay ugu gudban magaalada Xarardheere