Home Wararka Maanta Wafdi Ka Socday Qaramada Midoobay oo Gaaray Dhuusamareeb iyo Qoor Qoor oo...

Wafdi Ka Socday Qaramada Midoobay oo Gaaray Dhuusamareeb iyo Qoor Qoor oo Qaabilay(Sawiro)

0

Madaxwaynaha dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay, wafdi ballaaran oo kasocday xafiiska Qaramada Midoobay, gaar ahaan hay’adda IOM. Kulanka ayaa waxaa madaxwaynaha kuwehlinayay Wasiiru Dowlada Madaxtooyada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo masuuliyeen ka socotay Wasaaradda Deegaanka, Isbadalka Cilimada iyo Wasaaradda Haweenka Galmudug,
Madaxwaynaha iyo wafdiga ayaa kawada hadlay xaaladda abaaraha iyo saameenta ay ku yeesheen deegaanada Galmudug oo ay abaartu saameesay.

Booqashada wafdiga IMO ayaa salka kuhayay mashruuc ay kafulinayaan Galmudug, waxaana mashruucan uu yahay mid wax kaqabanaya arimaha deegaanka iyo biyo la’aanta soo foodsaartay dada kunool miyiga deegaanada Galmudug.

Madaxwayne Axmed Cabdi Kaariye, ayaa soo dhaweeyay mashruucan, waxana Qaramada Midoobay uu ku booriyay laba jibaarista mashaariicda noocaan ah, kuwaas oo wax looga qabanayo abaarta lixaadka leh ee kudhufatay Soomaaliya, gaar ahaan deeganada Galmudug.

Kadib markii uu soo idlaaday kulanka Madaxwaynaha iyo saraakiisha kasocotay hay’dda IOM, waxaa wafdiga IOM oo ay wehlinayaan agaasimaga guud ee madaxtooyada Galmudug, Cismaan Macalin Xassan, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Maxamud Cabdi Axmed Kaarshe iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda deegaanka ay booqdeen madaxtooyada cusub ee Galmudug oo maraya heer gaba gaba ah, Wasaraadda Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo Hormarinta reer Miyiga, iyo sidoo kale Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Booqashada wafdiga IOM iyo mashruuca ay ka fulinayaan Galmudug ayaa kusoo beegmaya xilli abaaro xoogan ay kudhfteen Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Galmudug, iyadoona lafilayo in mashruucan goordhow laga fuliyo deegaanada miyiga Galmudug oo ay abaartu saameesay.

 

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleRaysulwasaare Rooble oo Amray inay Laamaha Amniga Talaabo Deg Deg ah Qaadaan(Sawiro)
Next articleSaraakiil Katirsanaa Booliska Haramcad oo Xabsiga La Dhigay iyo Sababta oo la Ogaaday