Home Wararka Maanta Wafdi ka socda Midowga Arika oo Maanta imaanaya Muqdisho

Wafdi ka socda Midowga Arika oo Maanta imaanaya Muqdisho

0

Xubno katirsan golaha amniga midowga Afrika ayaa maanta oo isniin ah imaanaya magaalada Muqdisho, iyagoo dowladda Soomaaliya kala shiridoono waajibaadka ciidamada AMISOM oo waqtigooda uu ku egyahay bisha December ee sannadkan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in ay wafdigaan berrito la qaadan doonaan shirkooda ugu horreeya, isagoo xusay in laga wada hadli doono qorshaha mustaqbalka AMISOM sida uu noqonayo.

Wasiirku wuxuu si cad u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka tabaabushaysanayso qorshe kaste oo sharci darro oo aan waafaqsanayn heshiiska ay AMISOM ku joogto Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in ay arrintaas wadatashi kala leeyihiin dalalka bixiya dhaqaala AMISOM.

Wasiirku wuxuu sheegay, dowladda Soomaaliya in ay door bidayso in AMISOM  ka baxdo dalka, halkii ay ka oggolaan lahaayeen qorshayaal aan shaqeynayn oo ay dabada ka riixayaan 15ka dal ee ku jira guddiga nabada midowga Afrika.

“Annaga waxaan u sheegnay midowga Afrika afarta qorshe oo ay wadaan in aysan faa’ido inoo lahayn. Laakiin haddii aad loogu adkaysto Options aan shaqeynayn, kan ay iyagu qoreen oo ah ‘lix bilood ayaan ku baxaynaa Soomaaliya, oo loogu dan lahaa in annaga nala ku handado, waxaan sheegnay inuuba yahay kan ugu cadcad oo ugu quruxda badan. Taasna waxay beddeshay qaabkii loo wada hadlayay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibaddu.

Wasiirku wuxuu sheegay dalalka bixiya dhaqaalaha AMISOM oo sannadkii dhan $800 oo milyan, in aanay taageersanayn wax ka duwan heshiiska haatan AMISOM ku joogto Soomaaliya, sidoo kalena Qaramada Midoobay ayuu sheegay in ay qabto arrinkaas.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo Faah Furay Adeega Daadajinta Adeegyada Dowladda (Sawiro)
Next articleDhageyso Wareysiga Gudoomiyaha Ahlusuna oo dhamaystiran kana hadlaya Arima Xasaasi ah