Home Wararka Maanta Wafdi ka socda Masar oo gaaray Jowhar si ay ugu kuur galaan...

Wafdi ka socda Masar oo gaaray Jowhar si ay ugu kuur galaan xaaladda amniga ka hor imaanshaha ciidamada Masar

0

Wafdi ka kooban 16 xubnood oo ka socda Ciidanka Qalabka Sida ee dalka Masar ayaa gaaray magaalada Jowhar, xarunta maamulka Hirshabelle, si ay u fuliyaan hawl ku saabsan qiimeyn amni oo horudhac u ah imaanshaha guutada ciidankooda ee qeyb ka noqonaysa howlgalka AUSSOM.

Wafdigan waxaa hoggaaminayey Sareeye Guuto Islam Radwan, waxaana si rasmi ah ugu soo dhaweeyey Taliska Guud ee Qaybta 5-aad ee ciidamada, Taliyaha guutada ciidanka Burundi, G/Sare Oscar Hatungimana.

Ujeedka safarka wafdiga Masar ayaa ahaa mid la xiriira daraasad iyo qiimeyn dhanka amniga ah oo ay ku samaynayaan deegaannada ay degi doonaan ciidamada Masar ee la filayo inay dhawaan kusoo biiraan howlgalka AUSSOM.

Waxay sidoo kale ka qeyb qaadanayaan qorsheyaasha isbeddelka lagu sameynayo amniga marka ay ciidamada Midowga Afrika si tartiib ah ugu wareejiyaan mas’uuliyadda amniga ciidamada Soomaaliya.

Intii ay joogeen Jowhar, wafdiga Masar ayaa warbixin dhameystiran ka dhageystay G/Sare Hatungimana iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Burundi, kuwaasoo ka warbixiyey xaaladda guud ee amniga gobolka Shabeellaha Dhexe, caqabadaha jira, iyo sida loo wiiqayo khataraha amni ee ka imaan kara kooxda Al-Shabaab.

Markii ay dhageysteen warbixinta, wafdiga ayaa kormeeray xarumo muhiim ah oo ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Jowhar, kuwaasoo loo diyaarinayo in ay noqdaan saldhigyo ciidan marka ay yimaadaan guutada Masar.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Midowga Afrika iyo beesha caalamka ay ku taageerayaan Soomaaliya si loo sugo xasilloonida iyo kala dambeynta, loogana guuro xilliga kala-guurka ee ciidamada AMISOM (oo hadda loo beddelay AUSSOM) loona wareejiyo mas’uuliyadda amni ciidamada Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in guutada Ciidanka Masar ay si rasmi ah u soo gaaraan Soomaaliya bilaha soo socda, iyadoo ay jiraan qorshayaal lagu kordhinayo taageerada militari iyo farsamo ee Soomaaliya la siiyo.

Ad