Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada dalka kulan gaar ah kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga Dibadda ee dalka Sweden Benjamin Dousa.
Labada dhinac ayaa kulankooda uga wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Sweden iyo sidii loo sii xoojin lahaa.
“Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iyo Wasiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka laba-geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sweden iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, iyo kobcinta karaanka hay’adaha dowliga ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Wafdiga ka socday dowladda Sweden ayaa Madaxweynaha Soomaaliya warbixin ka siiyay sida ay diyaar ugu yihiin iney kaalin muhiim ah ka qaataan nabadda Soomaaliya iyo dib u dhiska dowladnimada.
Wafdiga dowladda Sweden ee uu hoggaaminayo Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga Dibadda ee dalka Sweden Mudane Benjamin Dousa ayaa dhankooda adkeeyay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii imaanshaha Soomaaliya ee wafdigan ka socda dalka Sweden ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmihii u dambeeyay Sweden waday dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo ay ka mid tahay tarxiilka qasabka ah ee lagu beegsanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dib looga soo celinayo dalkaasi, hayeshee wali war rasmi ah kama soo saarin arinkaasi dowladda Soomaaliya.



