RAAS_KAMBOONI.
Weriyaal ka socda Warbaahinta Dowladda ayaa markii ugu horeysay maanta la geeyey Raaskambooni, halkaas oo madax sare oo ka tirsan dowladda federaalka ay tageyso maanta ilaa berri.
Sidoo kale, waxaa maanta Raaskambooni ka bilaabaneysa diiwaan gelinta ciidanka Jubbaland ee go’aansaday inay ku soo biiraan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Cutubyadii ugu horeeyey ee ciidamada Jubbaland ee dowladda ku biiray ayaa Jimcihii Muqdisho la keenay, si looga diiwaan-geliyo Taliska Xoogga Dalka, balse markii la arkay qulqulka ciidanka oo aad u badan, waxay dowladdu go’aansatay in diiwaan-gelinta iyo tirakoobka loogu sameeyo halka ay joogaan, si waajibaadkooda ay u sii gutaan.
Ad