Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa berri booqasho rasmi ah ku imaanaya magaalada Muqdisho, kaasoo jawaab u ah safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh uu horraantii sanadkan 2025 ku tagay Addis Ababa, kaddib Baaqii Ankara Declaration oo dowladda Turkiga garwadeenka aheyd, laguna xaliyay khilaafkii diblomaasiyadeed ee labada dal.
Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa berri ka soo dagaya garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyadoo ammaanka Caasimadda si weyn loo adkeeyay, qeybo ka mid ah duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibadda la hakiyay, inta aan ka aheyn duulimaadyadq Turkish Airlines iyo Ethiopian Airlines.
Sawirada Abiy Ahmed ayaa lagu dhejiyay wadada dheer ee garoonka Diyaaradaha illaa Madaxtooyada, waa booqashadii labaad rasmi ah oo Ra’iisul Wasaare Abiy ku imaan doono Muqdisho, kaddib safarkiisii u horreeyay sanadkii 2019.
Kaddib safarka Abiy ayaa la filayaa inuu todobaadyo kaddib uu booqasho ku yimaado Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo isku mari doona Muqdisho iyo Addis Ababa.
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo