Home Wararka Maanta Waddooyinka Nairobi oo webiyo isku beddelay iyo dhimasho ka dhalatay

Waddooyinka Nairobi oo webiyo isku beddelay iyo dhimasho ka dhalatay

0

Waddooyinku waxay isu beddeleen wabiyo ku yaalla caasimadda Kenya ee Nairobi, iyadoo mas’uul sare uu sheegay in fatahaadda “ay gaartay heer aad u daran.

Roobab mahiigaan ah oo maalmahan ka da’ayey Kenya ayaa dhaliyey khasaaro kala duwan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 32 qof ay naftooda ku waayeen in ka badan 40,000 oo qofna lagu qasbay in ay guryahooda ka barakacaan roobabka iyo daadadka.

Edwin Sifuna, oo kormeera Ismaamulka Nairobi, ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya xaafad dhan oo daad qaaday, kuwaas oo qaar ka mida ay muujiyaan dadka oo ku goddoonsan saqafyada kore ee guryahooda.

“Xaaladda Nairobi waxay gaartay heer aad u daran, maamulka gobolka dadaal kasta oo uu sameeyay si cad ayaa looga awood roonaaday, waxaan u baahanahay in la abaabulo dhammaan gurmadka qaran si loo badbaadiyo nolosha,” ayuu yiri intaas raaciyey.

Boqollaal kale oo ku sugan Nairobi iyo deegaannada u dhow dhow ayaa xayiray daadadka ka dib roobab xoogay oo ka da’aya magaalada.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in dadka deggan xaafadda isku raranta ah ee Mathare ay ku qasbanaadeen inay seexdaan saqafyada guryaha habeenkii.

Daadadka soo rogmaday ayaa wadsooyinka qaar ka dhigay kuwo biyo ay qariyeen, taas oo keentay in isku socodka guud ahaan Kenya uu hakad galo.

Kelvin Mwangi, oo ah darawal wada gawaarida Uberka oo ka shaqeeya Nairobi ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in xaalada magaaladu gashay mid dhaqdhaqaadu joogsaday oo inta badana wadooyinkii daad qaaday.

Wiil shan sano jir ah oo daadadku ay go’doomiyeen ayaa diyaarad helicopter ah oo boolisku adeegsadeen looga soo badbaadiyey deegaanka Yatta ee koonfurta Nairobi Talaadadii.

“Cunugan, oo ay ka muuqato in ay gilgishay dhibaatada ka dib markii uu muddo dheer ku xayirnaa, si nabad ah ayaa loo badbaadiyay waxaana loo qaaday isbitaal u dhow si loogu daryeelo,” ayay tiri Laanqeyrta Cas ee Kenya.

Roobabka mahiigaanka ah ee ka da’aya Bariga Afrika

Guud ahaan Bariga Afrika ayaa sidoo kale waxaa si xun u saameeyay roobab mahiigaan ah toddobaadyadii la soo dhaafay.

Ku dhawaad 100,000 oo qof ayaa ku barakacay Burundi, halka ugu yaraan 58 qof ay ku dhinteen Tanzania.

Isbadelka cimilada iyo Elnino ayaa dhaliyey mid ka mida xilliyadii ugu darnaa ee dhanka cimilad gaar ahaan roobabka culus ee Bariga Afrika.

Inta lagu jiro marxaladda wanaagsan, biyaha galbeedka Badweynta Hindiya aad ayay uga kulul yihiin sidii caadiga ahayd tani waxay keeni kartaa roobab ka culus eeEl Niño.

Si kastaba ha ahaatee, marka labadaba IOD togan iyo El Niño ay dhacaan isku mar, sidii dhacday sannadkii hore, markaas roobabka Bariga Afrika waxay noqon karaan kuwo xad dhaaf ah.

Soomaaliya ayaa sidaas oo kale ay ka da’ayaan roobab xoog leh iyadoo ay soo baxayaan digniino halis leh oo ku wajahan dadka daggan gobolada webiyadu marayaan ee dalka, kuwaas oo laga cabsi qabo inay fatahaad sameeyaan.

Haya’adda maaraynta masiibooyinka Soomaaliya, waaxdeeda khataraha ayaa sheegtay in ay filayaan in roobabku ay dhalin karaan daadad xoog leh marka la eego sida xaddiga badana ee ay u biyo dhigayaan.

Qaramada Midoobay ayaa sii daysay gargaar dhan 3 milyan oo dollar oo loogu deeqay Soomaaliya si ay wax looga qabto fatahaado ama masiibo ay dhaliyaan roobaba magiigaanka ah ee da’aya.

Dalka Jabuuti, dhawaan ayey ahayd markii daadad an hore loo arag ku dhufteen magaalooyin ay ka mid tahay caasimada Jabuuti, halkaas oo dad badani ku dhinteen.

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleCiidamada dowladda federaalka ee taliska Abiy Axmed oo toogasho ku dilay dhakhtar ku taqasuustay maqaarka
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Duqayn lagu Garaacay Alshabaab