Home Wararka Maanta Wadahadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya oo Markale ankara Ka Furmaaya iyo Wafdi Halkaas...

Wadahadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya oo Markale ankara Ka Furmaaya iyo Wafdi Halkaas gaaray

0

Dowladda Turkiga ayaa dedejineysa qorshaha heshiiska lagu dhex-dhigayo Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana la gudaha galay kulamadii lagu balansanaa oo laga soo hormariyey waqtigii horay loo qorsheeyey oo ahaa 2-da bisha soo socota ee September.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray mahaalada Ankara ee dalka Turkiga, halkaas oo wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka bilaabanayaan.

Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga, waxayna ka qayb gali-doonaan wareegga labaad ee wadahadalka Soomaaliya iyo Itoobiya, sida lagu cadeeyey qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Wadahadalada bilaabanaya waxaa garwadeen ka ah Dowladda Turkiga, sida ay sheegtay Wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya, waxaana lagu wadaa inuu magaalada Ankara ka furmo maalinta Isniinta ah ee 12-ka bishaan August.

Wada-hadallada oo si rasmi ah u furmi doono todobaadka soo socda ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka oo xadgudub ku tilmaamtay.

Labada dhinac ayaa haatan sameeyay isbeddallo, waxaana jiro isku soo dhawaasho ay sidii hore ka sameeyeen Muqdisho iyo Addis Ababa, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo maalmihii dambe waday dadaallo dhex dhexaadin ah.

Hakan Fidan oo shir jaraa’id ku qabtay Istabul waxa uu sheegay inay soo afjarmi doonto xiisadda isla markaana ay kusoo dhammaan doonto galaangal ay Itoobiya u yeelato badda, iyada oo si toos ah ugala macaamileyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay galaangal u yeelato badda iyada oo soo mareysa Soomaaliya ilaa inta Itoobiya ka xaqiijinayso midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya” ayuu yiri Hakan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayad aoo todobaadkii hore wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga uu booqday magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo uu kula hadlay dhammeynta xiisadda taagan

Ad
Previous articleVilla Soomaaliya oo Jawaab kale ka Bixisay Dhalinyaradii Ka xumaatay Hadalkii Xasan Shiikh ee Shiidka
Next articleGalmudug oo Xalay aano Qabiil Dad loogu Laayay