Home Wararka Maanta Wadahadalada Itooboya iyo Soomaaliya oo Meel Xasaasi ah Maraaya

Wadahadalada Itooboya iyo Soomaaliya oo Meel Xasaasi ah Maraaya

0

Wada hadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa meel adag maraya, iyadoo la isku mari la’yahay qodobada qaar sida dowladda Soomaaliya oo dooneysa in la keeno hannaan looga laabanayo MOU-gii, halka Itoobiya ay dooneyso in la caddeeyo qaab ay uga laaban karaan MOU-gaas iyo waxa loogu bedelayo si la mid ah tii dowladdii hore markii ay Muqdisho heshiis is faham ku gaareen RW Abiy Ahmed iyo Madaxneyne hore Farmaajo ee ahaa in afar Dekedood ay maalgashanayaan Itoobiya, kaddib booqashadii Abiy Ahmed ku yimid Muqdisho sanadkii 2018.

Diblomaasiyiinta Turkiga ayaa u kala gudbinaya farriimaha, ma jirto wada hadalo fool ka fool ah oo
Illaa hadda labada dhinac dhex maray.

Wada xaajoodka ayaa saacado badan qaatay, walina wax is afgarad lama gaarin, Turkiduna waxay ku dadaalayaan in is-faham guud uu kala dhex dhigo labada dhinac oo heshiis lagu yahay.

Ilo ku dhow dhow wada hadalada Ankara ka socda oo galay saacadihii ugu dheeraa ayaa waxay sheegayaan in la isku haayo qaabka ay uga laabaneyso Itoobiya MOU-ga iyo qaabka loo qeexayo “access to sea” oo ah sida ay rabto in Itoobiya bad ku hesho.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Itoobiya ay dalbaneyso in iyaga iyo Soomaaliya ay marka hore heshiis hordhac galaan oo Turkiga damaanad ka yahay, halka Soomaaliyana ay diidan tahay wada hadal fool ka fool ah.

Ad
Previous articleWarar Hordhac ah oo laga Helay Heshiiska Bada ee Soomaaliya iyo Itoobiya
Next articleAIPAC iyo Ilhaan Cumar oo gorodda iskula jira. Taageerayaasha Israa’iil oo lacag ku bixinaya in kursiga laga qaado