Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wadaad Yahuudi ah oo Imaaraadka lagu Dilay iyo Israil oo Dhaaratay

Wadaad Yahuudi ah oo Imaaraadka lagu Dilay iyo Israil oo Dhaaratay

0

Israa’iil ayaa sheegtay in hoggaamiye diimeed Yahuudi ahaa oo lagu waayay dalka Imaaraadka Carabta la dilay, waxayna wacad ku martay in ay baadi goobayaan ciddii dilkiisa ka dambeysay.

Zvi Kogan, oo xubin ka ahaa ururka Yuhuudda Ortodokska ee Chabad, ayaa la la’aa tan iyo Khamiista, sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil, arrintaan dhalisay baaritaan ay wadaan hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad iyo mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta.

“Dilka Zvi Kogan waa dhacdo argagaxiso oo ka dhan ah Yahuudda, shacabka Israa’iil waxa ay qaadi doonaan tallaabo kasta oo ay sharciga ku horgeyn doonaan dambiilayaasha dilkiisa ka dambeeyay,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Saraakiisha Israel ayaa xiriir la sameeyay qoyska Mr Kogan, oo ah muwaadin Israel-Moldovan ah, tan iyo markii la waayay, ayaa warka soo baxay la si raaciyay.

Wakaalladda Wararka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay baadi-goob ugu jirtay ninka la la’yahay.

Abu Dhabi ayaa horay xiriir rasmi ah ula samaysatay Israa’iil kaas oo salka ku hayay heshiiskii uu Maraykanku gar-wadeen ka ahaa, ee loo yaqaan heshiiskii Abraham.

Ad
Previous articleATMIS oo kusoo Biirtay Xiisada Jubaland iyo Dowlada Soomaaliya
Next articlePutin oo Wacad ku maray in mar kale isticmaali doono gantaalo cusub