Home Wararka Maanta Waare“Qiil ayaan u raadineynaa Masar annagoo leh Islaam waayay, haddii ay Islaam...

Waare“Qiil ayaan u raadineynaa Masar annagoo leh Islaam waayay, haddii ay Islaam tahay 30-kii sano ee la soo dhaafay xagee jireen?

0

Madaxweynihii hore ee HirShabelle, haddana ah ku xigeenka Xoghayaha guud ee IGAD Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, isla markaana khudbad ka jeediyay shir sanadeedka Nabadda ee PDRC ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda Soomaaliya, Itoobiya iyo Masar ee ka dhalatay heshiiska badda ee Abiy Axmed uu la galay Muuse Bixi.

Waare ayaa si aan gambasho lahayn uga hadlay loolanka Itoobiya iyo Masar ee Soomaaliya, kaas oo sii xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay, kadib markii heshiis iskaashi difaac uu dhex-maray Muqdisho iyo Qaahira, kaas oo ay ka xumaatay Addis Ababa.

Ku xigeenka Xoghayaha guud ee IGAD ayaa sheegay in labada dal ee Itoobiya iyo Masar aanay wax dan ah u ahaynin Soomaaliya, waxaana uu si weyn uga horyimid in xilligan Masar lagu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho, isaga oo su’aal ka keenay halkii ay jirtay 30-kii sano ee ay burburka la daala dhaceysay Soomaaliya.

“Itoobiya iyo Masar nin annaga qaraabo nala ah ma jiro 30 sano ayaan halkan joognay nooma imaan maxay hadda soo dooneen?” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qiil ayaan u raadineynaa Masar annagoo leh Islaam waayay, haddii ay Islaam tahay 30-kii sano ee la soo dhaafay xagee jireen?”.

Maxamed Cabdi Waare ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Itoobiya iyo Masar oo xuduud ahaan aad noogu now aanay garab qaban Soomaaliya, taas beddalkeedna ay jiraan waddamo kale oo ka dhow, isaga oo tusaale usoo qaatay dalalka Turkiga iyo Yemen.

“Taariikhdeenna markii ay Soomaalidu kala adkaan waysay Yemen iyo Turki ayay hub u kala doonan jireen hadda miyaan kala dooraneynaa kuwa Itoobiya la jira iyo kuwa Masar la jira? ” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu Waare shaaca ka qaaday in arrintu haddii ay sidaan kusii socoto la waayi doono magaca Soomaali, isaga oo ka digay halis uu sheegay in dalka uu kusii socod.

“Sida aan hadda ku socono haddaan kusii socono 20 KM oo bad ah ayaan hadda la yaabanahay dad Soomaali la yiraahdo ayaa halkan daganaan jiray ayaa la dhihi doonaa” ayuu markale yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Ad
Previous articleDagaal aad u Foolxun oo ka Dhex Qarxay Beelaha Wacaysle iyo Mursade ee Galmudug
Next articleLataliyaha Abiya Axmed oo Ka Shafisay Sir Layaab leh Sheegayna in Galmudug Itoobiya ku Biirayso