Home Wararka Caalamka Waalidiin Reer Galmudug ah oo Codsi u Dirsaday Madaxweyne Xasan Shiikh

Waalidiin Reer Galmudug ah oo Codsi u Dirsaday Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Waalidiinta wiilashooda ay ku maqan yihiin dalka Eritrea oo tababar ay ugu qaaday dowladii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo ayaa galabta banaanbax ka dhigay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Banaan-baxaas oo lagu taageeray doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Madaxweynaha looga codsaday inuu deg deg uga jawaabo dhibka heysta waalidiintaan dhalinyaradu ka maqan tahay.

Qaar ka mid ah hooyooyinkii warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in hoyaad ay ka quusteen, balse hadda ay farxeen markii uu guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh oo horay u balan qaaday in shaqada koowaad ee uu qabanayo hadii uu guuleysto ay tahay soo celinta dhalinyaradii loo qaaday Eritrea.

“Madaxweyne marka hore hambalyo, laba sano iyo bar ayey sii maqan yihiin wiilasheenii, waxaan nahay waalidiin dhiban, waxaan maanta kaa rabnaa in shaqada koowaad aad ka dhigto inaad dalka ku soo celiso wixii ka nool, waan kugu faraxnay markii lagu doortay oo waxaan heysanay balan-qaadkaagii hore,” ayey yiri mid ka mid ah waalidiintii Guriceel kula hadlay warbaahinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u balan qaaday in dhalinyaradaas oo la sheegay in qaarkood ay galeen dagaalkii Itoobiya uu shaqada koowaad ka dhigaayo dib u soo celintooda, markii la doorto, taas oo hadda looga fadhiyo.

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleWaa kuma ninka ay dartiis u kulmi rabaan Biden iyo Maxamed Bin Salmaan oo isku dhacsan?
Next articleP.M Rooble oo La Kulmay Madaxweynaha Cusub ee Imaaraadka Carabta Codsi ugudbiyay(Sawiro)