Heshiiska xabbad joojinta ee Israa’iil iyo xamaas ayey Ms Yehud waxay ahayd inay ku jirto labadii kooxood ee ugu horreeyay ee la sii daayey 19kii iyo 25kii Janaayo, laakinse weli lama sii deyn.
Arbel Yehud waa gabar la hayste ah oo Israa’iil u dhalatay, waxayna udub dhaxaad u tahay xiisadda taagan iyo sida uu u dhaqan galayo heshiiskii xabbad joojinta ee Israa’iil iyo Xamaas. Waxaa la qafaashay markii la qaaday weerarkii ay Xamaas qaadday 7 Oktoobar 2023, ayadoo laga afduubtay gurigeeda Mir Oz oo ah tuulo ku taalla koofurta Israa’iil, una dhow xuduudda dhulka Falastiiniyiinta.
Ms Yehud oo xilligaas 28 jir ahayd ayaa lala qafaashay odaygeeda Ariel Cunio, kaasoo weli Qasa ku sugan.
Ms Yehud ayaa ah qofkii dumar ah ee ugu dambeeyey ee ka mid ah dadka la qafaashay, oo Israa’iil ay rumaysan tahay inay u badan tahay inay weli nooshahay.
Gabar kale oo rayid ah, Shiri Bibas, ayaa weli ku sugan Qasa ka dib markii ayada iyo wiilasheeda Ariel iyo Kfir laga soo wada afduubtay Nir Oz.
Milateriga Israa’iil ayaa walaac weyn ka muujiyey nolosha Ms Bibas iyo carruurteeda, walow aan geeridooda la xaqiijin.
Ms Yehud walaalkeed, Dolev Yehud ayaa la la’aa muddo bilooyin ah, waxaana la aaminay in la qafaashay, laakinse ugu dambayn waxaa cadaatay in uusan gaarin Qasa. Maamulayaasha Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inuu dhintay ka dib markii meydkiisa laga helay Nir Oz, oo la aqoonsaday.
Qodobbada xabbad joojinta waxaa qayb ka ah in Ms Yehud ay ku jirto labada kooxood ee ugu horreeya ee la sii daayey 19 iyo 25 Janaayo, sida laga soo xigtay maamulayaasha Israa’iil. Israa’iil ayaa dalbatay in marka hore la sii daayo la haystayaasha dumarka ee rayidka ah, ka hor inta aan la sii deyn dumarka qafaalan ee ciidanka ka tirsan. Afar qof oo dumar ah ayaa Sabtidii la sii daayey.
Waxay iminka u muuqataa inMs Yehud ay gacanta ugu jirto koox kale oo loo badinayo inay tahay Islamic Jihad. Sarkaal kooxdaas ka tirsan ayaa sheegay in gabadhaas la sii deyn doono ka hor Sabtida ay bisha Febraayo 1 tahay.
Taa beddelkeeda, heshiiska wuxuu dhigayaa in Falastiiniyiintii ka barakacay Qasa ay ku soo laabtaan waqooyiga dhulkaas.
Ms Yehud waxay xididdo qoto dheer ku leedahay dadka ku nool Nir Oz. waxay ka mid tahay jiilkii 3aad ee qoyskeeda ee halkaa degay, sida laga soo xigtay golaha Hostages and Missing families forum oo ah hay’ad u ololeysa sii deynta la haystayaasha.
Waxay ka shqaynaysay waxbarashada bulshada ka hor intii aysan noqon qof bulshada haga oo ka tirsan GrooveTech oo ah hay’ad ka shaqaysa xarunta barashada fikirrada cusub ee Koofurta Israa’iil, taasoo diiradda saaraysa sahaminta hawada sare iyo teknoloojiyada.
Ms Yehud iyo Mr Cunio waxay ka soo laabteen socdaal ay ku tageen koofurta Ameerika in yar ka hor weerarkii 2023, sida laga soo xigtay golahaas.
Nir Oz ayaa astaan u noqotay habacsanaanta militariga, sirdoonka iyo xukuumadda Israa’iil, taasoo sababtay weerarkii ay ku guuldarraysteen inay ka hor tagaan ee lagu qafaashay la haystayaasha Israa’iil 7dii Oktoobar 2023. Tuuladaas ayaa ahayd meel yar oo bulshada ku nool lagu qiyaasay ilaa 400 oo qof weerarka ka hor, markaas oo in ka badan 4 meelood meel dadkii halkaa ku noolaa qaarna la dilay, qaarna la qafaashay.