Shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dowladda Soomaaliya ayaa ilaa hadda mushaar qaadan, waana shaqaalaha kaliya ee aan qaadan waxa uuna u xayiran-yahay khilaaf ka taagan xil ka qaadis lagu sameeyay Agaasimihii hore ee Wasaaradda.
Dowladda ayaa bixisay mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha Rayidka ah marka laga reebo Wasaaraddaan. Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in uusan diiwaan-gashneen saxiixaha Agaasimaha cusub ee Wasaaradda si mushaarka loo fasaxo.
waxayna ku talisay in Wasiirka saxiixo, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa dhankiisa diiday waxa uuna dalbaday in la aqoonsado saxiixa agaasinka cusub.
Ad