Home Wararka Maanta Waa Sidee Xalada Magaalada Ceerigaabo Maantay?

Waa Sidee Xalada Magaalada Ceerigaabo Maantay?

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta xaalad daganaasho ah laga dareemayo magaalada Ceerigaabo oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen shaqaaqooyin u dhexeeya ciidanka Somaliland iyo maleeshiyaad hubeysan oo ku dagaalamay magaaladaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Somaliland Axmed Cabdi Muuse oo u warramay Telefishinka Universal ayaa xaqiijiyay in dagaalladii ka dhacay halkaasi ay ku dhinteen dad gaaraya illaa 7 qof, balse dadaallo ay sameeyeen ay ku guuleysteen inay la dajiyo xaaladda degmada.

Axmed Cabdi Muuse ayaa sidoo kale sheegay in shaqaaqada ay sababtay beelo dagaallamay, isla markaana aysan jirin cid kusoo duushay magaalada Ceerigaabo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ognahay inay reero shaqaaqo dhex-martay cid kale oo Ceerigaabo kusoo duushay ma ogin reeraha ay shaqaaqadu dhex-maray meel fiican ayaa wada-hadalkooda uu marayaa manta iyo jawiga nabadda Ceerigaabo waa idinkaa arka” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qof weliba nabad ayuu ku joogaa, nabad ayuuna ku soconayaa waxaan uga mahad-naqeynaa bulshada sida wanaagsan ee ay ula shaqeynayaan ciidanka qaranka”.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in haatan arrinta iyo xalkeeda ay ku jiraan odayaasha dhaqanka si xal loo gaaro, magaaladana ay dagan tahay.

“Waxaan u mahad-naqeynaa waayeelka wada-hadalka ku jira ee arrinta daadi’inaya Ceerigaabo waa nabad-gelyo, dhowr Ceerigaab ma jirto dadka xumaanta sheegayo waa iyaga” ayuu sii raaciyay.

Ceerigaabo iyo agagaarkeeda ayaa laga dareemay xaalad kacsanaan ah oo isku rogtay inay is eedeeyaan Somaliland iyo SSC-Khaatumo oo horay ugu dagaalamay gobolka Sool.

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay
Ad
Previous articleXildhibaanada Beesha Hawiye oo kulan Xasaasi ah Yeeshay Soona Saaray Qodobadaan
Next articleDowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Qaraxyadii lagu Burburiyay Suuqa Tabeelaha Shikh ibrahim