Home Wararka Somaliya Galmudug Waa Sidee Xalaada Goobihi ay Shalay Ku Dagaalameen Beelaha Sacad iyo Laylkase...

Waa Sidee Xalaada Goobihi ay Shalay Ku Dagaalameen Beelaha Sacad iyo Laylkase iyo Khasaaraha Kala Gaaray

0

Xaalad aan Caga Badan Ku taagnayn ayaa Saakay Laga Daremayaa Deeganadii Shalay Dagaalada Qaraar ku dhexmareen Beelaha Sacad iyo laylkase oo ka kala Tirsan Maamulada Galmudug Iyo Puntland.

Ciidamada Labada Dhinac ayaana Wali Isku Horfadhiya aaga Shalay FDagaaladu ka dhaceen ee Saaxo Qurun iyo Labada Maygaag oo U dhaxaysa Bandiiradleey iyo Galdogob.

Weerarkaan ayaan shalay Subixii Bilowday Kadib Markii Beesha laylkase weerar Kusoo Qaadeen Difaacyo Beesha Sacad ku lahayd agaas Dagaalka oo Galinkii Danbe Si Xoog ah ku bilowday ayaa lagu kala Qabsaday Hub iyo Gaadiid Dagaal.

Bessha Sacad ayaan Gaari nooca Cabdibille ah ka Qabsatay BeeshA Laylkase Halka Dhanka sacadkana laga Gubay Gaari Dagaal.

Dhanka kale Khasaaro ayaa Kala gaaray Labada beelood Waxaan la xaqiijiyay In Beesha Sacad ay ku Geeriyoodeen 8 Rag ah Halka Labana Nolol iyo Geeri Lagu hayn iyo Dhaawac intaas kabadan.

beesha Laylkase oo weerar ahayd ayaa La xaqiijiyay inay Ka dhinteen Rag ka badan 16 iyo Dhaawac intaas Ka badan Labada Dhinac ayaana Xalay waxaa kala Gaaray Gurmadyo Xoogan oo Laga yaabo inay Saakay Dagaal kale Ka qarxo aagaas.

Ad
Previous articleDagaal Qaraar oo Gaadiid Dagaal Lagu kala Qabsaday oo Dhex Maray Sacad iyo Laylkase
Next articleWaa Imisa Dadka Shalay Ku Geeriyooday Roobabkii Mahiigaanka ahayd ee ka Da,ay Muqdishu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here