Home Wararka Maanta Waa sidee xaaladda caafimaad ee madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo Maantay...

Waa sidee xaaladda caafimaad ee madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo Maantay Baajiyay Howlihiisa Doorashada?

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay inuu baajiyay howlihiisa doorashada ee loo qorsheeyay maanta oo Arbaco ah.

Wararka ayaa sheegaya in Sababta uu howsha ololihiisa u baaijyay ay tahay in uu dareemayo xanuun dhanka caloosha ah, xilli ay doorashada ka harsan tahay wax ka yar bil .

Talaadadii, Erdogan ayaa waxaa la jaray wareysi toos ahaa oo uu taleefishin siinayay ka hor inta uusan soo laaban oo uu raaligelin ka bixin, iyada oo sababta lagu sheegay in caloosha ay xanuunaysay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Erdogan oo 69 jir ah ku yiri “Maanta (Arbaca) waxaan ku nasan doonaa guriga anigoo raacaya talada dhaqaatiirteena”.

Erdogan ayaa sidoo kale yiri “Illahay idamkii waxaan sii wadeynaa barnaamijkeena laga bilaabo berri, waxaan sii wadi doonaa inaan ka shaqeyno sidii ummadeena aan jecelnahay u gaarsiin lahayn himilooyinka qarniga Turkiga”.

Erdogan ayaa lagu waday in xalay uu wareysi siiyo warbaahinada kala ah Ulke iyo Kanal 7, balse wxaa uu wareysigaasi dib u dhacay mudoo 90 daqiiqo.

Erdogan ayaa dib ugu soo laabtay wareysiga 15 daqiiqo ka dib raaligalina bixiyay , isaga oo sheegay in uu xanuunsaday.

Madaxwaynaha Turkiga ayaa si aan kala joogsi lahayn waxaa uu maalmihii u dambeeyya ugu jira ololaha doorashada isaga oo booqanayay gobolo kala duwan.

Ololihiisa doorashada oo lagu waday in uu maanta ku tago saddex magaalo ayaa waxaa imika hogaamin doona madaxwayna ku xigeenka Turkiga Fuat Oktay.

Erdogan ayaa waxaa uu dadaal xooggan ugu jiraa sidii isaga iyo xisbigiisa ugu guukeysan lahaayeen doorashada madaxwaynanimada iyo tan baarlamaanka dalkaasi.

Doorashada madaxtinimada ee dalka Turkiga ayaa lagu wadaa 14 bisha may ee fooda inaugu soo haysa.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa waxaa uu tartan adag kala kulmayaa xisbiyada mucaaradka dalkaasi oo is bahaysi sameystay.

Erdogan iyo Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ayaa 20-kii sano ee la soo dhaafay gacanta ku hayay siyaasadda Turkiga, balse ololaha doorashada ee hadda socda ayaa ah mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan madaxweynaha xilka haya.

Markii uu wareysiga bilaabmay oo uu socday 10 daqiiqo ka dib ayaa waxaa hadana dhacday in la hakiyo oo uu madaxwaynaha meesha ka baxo.

Ma jirto ilaa iyo imika wax faahfaahin ah oo ka soo baxday xukuumadda Turkiga oo ku aadan xanuunka madaxwayne Erdogan.

Ra’yi ururin la sameeyay ayaa muujinaya in tartanka uu noqon doono mid aad u adag oo u dhexeeya isaga iyo Kemal Kilicdaroglu.

Erdoğan, oo 69 jir ah, ayaa xukunka hayay tan iyo 2003-dii, waxaana lagu wadaa in uu galo dadaal adag u galo oo dib sidii dib loogu dooran lahaa.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleNin waxyaabaha qarxa mooto bajaaj ku waday oo lagu qabtay magaalada Muqdisho
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Gaaray Kampala iyo ujeedka Safarkiisa oo la Shaaciyay(Sawiro)