Home Wararka Maanta Waa sidee Xaalada Saakay Deegaanadii ay Shalay ku Dagaalameen SSC Khaatumo iyo...

Waa sidee Xaalada Saakay Deegaanadii ay Shalay ku Dagaalameen SSC Khaatumo iyo Soomaaliland?

0

Waxaa maanta deggan xaaladda aagaggii ay shalay ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khatumo.

Dagaalka oo dhacay subixi hore ee shalay ayay labada dhinacba sheeganayeen guulo, wuxuuna ka dhacay degmada Oog oo u dhaxeysa Buur-dharkeyn iyo Yeeyle.

Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in dagaalka ay sabababeen garaadada Khaatumo oo uu sheegay in ay ku suganyihiin halka uu dagaalku ka dhacay.

Dhinaca kale, maamulka SSC Khatumo oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in Somaliland ay weerarka soo qaadday.

Dagaalkan ayaa sababay khasaare soo gaaray labada dhinac oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Dhanka kale, dadkii shalay ka qaxay degmada Yeeyle cabsi ay ka qabeen dagaalka awgii ay haatan dib ugu laabtay guryahooda.

Ad
Previous articleDalka Uganda oo xanuun Cusub Ka Dilaacay iyo Dad badan oo Durbaba u Geeriyooday
Next articleMadaxweyne Xasan Oo Ka Hadlay Dagaalka AlShabaab Iyo Qorshaha Dowladda ee Dagaalka Alshabaab ee wajiga labaad