Waxaa maanta degan goobihii shalay dagaal beeleedku ka dhacay ee galbeedka Gobolka Mudug halkaas oo ay waayahaanba ku dagaallamayaan beelo halkaa wada dega ee Kala Ah Sacad iyo Laylkase.
Waxaana muuqata in odayaasha labada dhinac iyo maamulladuba aaney gaarin weli xal rasmi ah inkastoo dhawaan la sheegay in heshiis la gaaray.
Odayaasha labada dhinac ayaa dib u bilaabashada dagaalka dhinacba dhinaca kale ku eedeynayaa hasa yeeshee waxa ay dhanka kale sheegeen in ay diyaar u yihiin nabad iyo in xal kama dambeysa ah la gaaro.
Caaqil Dhiin Sheekh Cabdi oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanka ee gobolka Mudug kana soo jeeda dhanka Galmudug iyo Maxamed Cali Shaado oo ah nabadoon ka tirsan odayaasha dhanka Puntland ayaa labaduba BBCda u sheegay in ay diyaar u yihiin xabad joojin iyo in nabad lagusoo dabaalo deegaanada ay collaaddu ka taagantahay.