Xaaladda deegaannadii shalay lagu dagaallamay ee gobolka Galgaduud oo maanta deggan iyo duugista meydadkii lagu mashquulsanyahay.
Xaalad degganaansha ayaa ka jirta maanta Axad ah deegaannadii shalay dagaalladu ka dhaceen ee waqooyiga gobolka Galgaduud, dagaalkaasi oo ahaa mid lagu riiqday, khasaare badanna sababay.
Inkasta oo aysan jirin tallaabooyin muuqda oo xagga nabadda loo qaaday, iyo waanwaano xalraadineed oo wax mira-dhal ah sameeyey, haddana sida muuqda shalay ayaa la iskugu gacmo daalay marka la fiiriyo dhinacada dirirtu dhexmartay ee ka soo kala jeeda Xeraale iyo dhinaca kale oo ah Caabudwaaq iyo Balanballe, waxaana jira ciidamo aan badnayn oo xagga federaalka iyo Galmudug ah oo shalay goor gaaban degay meel labada dhinac dhexdooda ah.
Khasaarihii ugu badnaa oo inta la xasuusto oo hal gelin dhaca marka la fiiriyo dagaalladii deegaannadaasi ayaa shalay ka dhashay iskudhaca, waxaana labada dhinac la tilmaamaayaa dhimasho in ka badan 60 ruux, halka dhaawucuna waa labanlaab ku dhawyahay.
Dagaalladaan beeleed ayaa salka ku haya shaxeexaysi iyo kala sheegasho xagga Daaqa iyo deegaanka ah, taasoo sababtay iskudhacyo soo laalaabtay, dhiig badanna ku daatay, midda shalayna ay ugu dambaysay.
Inkasta oo aysan maanta wax xabbad ahi socon, haddana lama oga in ay sii socon karto degganaantu, waxaana maanta aad loogu mashquulsanaa aaska dadkii dhintay iyo daryeelka dhaawacyada.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa xalay xilli dambe magacaabay guddi nabadda ka shaqeeya oo guddoomiye looga dhigay wasiirka arrimaha gudaha Galmudug Cabdiwaayeel, kaasoo ka soo jeeda deegaannada waqooyiga gobolka Galgaduud.