Kulmiye ee uu hoggaamiyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa billaabay in uu xisbiga banaanka ka dhigo siyaasiyiinta ka tirsanaa ee ka horyimaada rabitaanka hoggaaminta Muuse Biixi.
“Axmed Muumin Seed waxa uu lumiyay xubinimadii guddiga fulinta iyo ka mid ahaanshihii xisbiga Kulmiye kadib markii uu ku xad-gubay shuruucdii xisbiga,” ayuu yiri Afhayeenka xisbiga Kulmiye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa.
Wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa qoraal uu soo saaray laba maalin kahor ku sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xukuumadda Somaliland ay dabaal-degyo ku qabato magaalooyinka, kuwaasi oo uu ku tilmaamay “in la micno yihiin wiirsi iyo wax-fool-xun oo dagaalka Laascaanood xalkiisa fogaynaya.”
Tallaabadan uu qaaday xisbiga Kulmiye ee xubin sare oo ka tirsan xisbiga uga caydhiyay kadib markii uu taageeri waayay banaanbaxaasi ayaa fajaciso ku noqotay dad badan, ayada oo xisbigaan uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi oo isagu dhowr jeer sheegay in xiisadda Laascaanood ay xukuumadiisu ku wajaheyso jawi nabdoon iyo wada-hadal.