Home Wararka Somaliya Somaliland Waa maxay Qorshaha layaabka leh ee Putin ka Damacsanyahay Soomaaliland?

Waa maxay Qorshaha layaabka leh ee Putin ka Damacsanyahay Soomaaliland?

0

Qorshaha Ruushka uu saldhig cidian badeed uga dhisanayo Gacanka Cadmeed-Badda Cas (GARS) wuxuu si weyn ugu xiran yahay in Sudan ay hirgeliso heshiiskii muddo dheer dib u dhacay.

Haddii taas la waayo, waxa xiga ee arrintan saameynaya waa go’aanka Maraykanka—sidoo kale in uu saldhiggiisa ka sii haysto Jabuuti ama uu ciidamada uga raro Somaliland haddii uu si rasmi ah u aqoonsado.

Geeska Afrika wuxuu si muuqata uga dhex muuqday ajendaha diblomaasiyadeed ee Ruushka toddobaadkii hore, kaddib markii uu yeeshay laba kulan muhiim ah oo kala gaar ah Jabuuti iyo Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Jabuuti ayaa booqasho ku tegay Moscow, halka wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Ururka Ganacsiga Ruushka ee Afrika uu kulan la yeeshay Somaliland.

Wafdigan ayaa heshiis ka gaaray ballaarinta iskaashiga dhinacyada beeraha, saadka, iyo warshadaha. Labadan horumarba waxay yeelan karaan saamayn ciidan oo dheeraad ah.

Ruushka iyo qorshihiisa saldhig ciidan badeed
Ruushku wuxuu muddo dheer doonayey inuu dib u soo celiyo joogitaankiisii badeed ee xilligii Midowgii Soofiyeeti ee gobolka GARS, isagoo markii dambe doortay inuu saldhig ka dhiso Sudan.

Balse hirgelinta qorshahan ayaa si isdaba joog ah dib uga dhacay sababo la xiriira dagaalka sokeeye ee dalkaas iyo cadaadiska reer Galbeedka. Sidaas darteed, Ruushku wuxuu u fiirsanayaa fursadaha kale ee Jabuuti ama Somaliland haddii Sudan mar kale ka gaabiso fulinta heshiiskeeda.

Xitaa haddii Sudan hirgeliso heshiiska, Ruushku wuxuu weli yeelan karaa xarumo kale oo dheeraad ah si uu u xoojiyo joogitaankiisa.

Bishii November 2023, waxaa la falanqeeyay in Ruushku dhexdhexaadin karo heshiisyo u dhexeeya Jabuuti, Itoobiya, iyo Koonfurta Sudan, taasoo u horseedi karta inuu saldhig ciidan ka helo Jabuuti.

Beddelkeedana, Ruushka wuxuu heli karaa saami shirkadaha macdanta ee Koonfurta Sudan, dhoofinta badeecooyin beeraley ah oo la dhimo qiimahooda, iyo dhismaha dhuumo shidaal oo gobolka mara.

Arrintan ayaa laga yaabaa inay xiiso geliso Jabuuti haddii Donald Trump hirgeliyo qorshaha “Project 2025” (bogga 186), kaasoo soo jeedinaya in Somaliland la aqoonsado si Maraykanku uga helo xal uu kaga baxo xaaladdiisa sii xumaanaysa ee Jabuuti marka loo eego loolanka uu la leeyahay Shiinaha.

Ad
Previous articleCiidamo ka Tirsan NISA oo Tabarsare Haysta oo ku biiray Dagaalka ka socda…..
Next articleDowlada Soomaaliya oo howlgal Culus ka Fuliday buuraha Calmiskanee puntland