Home Wararka Maanta Waa Maxay Qorsha Qoor Qoor Sababta uu U Tagay Degmada Wisil Xili...

Waa Maxay Qorsha Qoor Qoor Sababta uu U Tagay Degmada Wisil Xili Hogaanka Dagaalka Ay La wareegtay Dowlada Federaalka

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) uu wehliyo Wasiirka Difaaca xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa gaaray degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Qoor Qoor iyo xubnaha la socday waxaa Wisil kusoo dhaweeyay wasiirro katirsan maamulka Galmudug, Xildhibaano , Saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Wasil.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa degmada Wisil u tagay abaabulka howlgalo la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmada Xarardheere ee gobolka iyo deegaanno kale oo gobolkaasi katirsan.

Degmada Wisil waxaa horey u gaaray ciidamo badan oo isugu jira kuwa darawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka, ciidankan ayaana loogu tala galay in ay qeyb ka noqdaan howlgalka Al Shabaab looga saarayo Koonfurta gobolka Mudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa wararku sheegayaan in suurto gal tahay in maalmo joogo degmada Wisil uuna halkaasi ka hoggaamiyo howlgalka la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmada Xarardheere iyo deegaannada kale ay ka joogaan Mudug.

Halka wararka Qaar Sheegaayaab inuu Doonaayo in Hogaanka Dagaalka Lagu wareejiyo Balse Taliye Biixi uu Diiday arinkaas Qoor Qoor ayaana La Sheegay inuu Doonaayo inuu Beesha Sacad ka Codsado inaysan Dagaalka Qayb ka Noqon lama oga Halka Uu ku Danbayn Doono Khilaafkaan Cusub ee Soo kala Dhexgalay Qoor Qoor iyo Dowlada Federaalka.

 

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleWafdi Hordhac u ah Madaxweyne Xasan Shiikh oo Baydhabo Gaaray
Next articleQarax Ismiidaamin Ah Oo Goordhow Lagu Weeraray Degmada HalganXili Alshabaab Qaraxyadii U Wareejiyeen Gobolka Hiiraan(Sawiro)