Home Wararka Maanta Waa kuwee dalalka oggol in la gubo kitaabka Qur’aanka ah?

Waa kuwee dalalka oggol in la gubo kitaabka Qur’aanka ah?

0

Eedeymaha la xiriira nacabka diinta Islaamka ee dalalka Yurub ma ahan wax cusub. Laga soo billaabo xirashada xijaabka haweenka Muslimiinta ah iyo gubidda Qur’aanka Kariimka ah, waa wax marar badan ka dhacay dalal Yurub ku yaalla.

Waxaa maalmahan aad isugu soo taraya carada laga muujinaya kitaabka Qur’aanka ee lagu gubay waddamo ka tirsan Yurub.

Barta Facebook-ga ayay Jimcihii, koox xagjir ah oo kasoo jeeda Denmark soo dhigeen muuqaal muuqaal nin gubaya wax u muuqday Qur’aanka isla markaana ku tumanaya calanka Ciraaq.

Ficilka kooxda oo lagu magacaabo Dansik Patriot ayaa horseeday caro xooggan iyo dibadbaxyo ballaaran.

Ciidamada amaanka Ciraaq ayey Sabtidii iska horyimaadeen boqollaal taageerayaasha wadaadka Shiicada ah ee Muqtada Al-Sadr, kuwaas oo isku dayay in ay xoog ku galaan aagga cagaaran oo ay ku yaallaan safaaradaha shisheeye iyo xarumaha dawladda ee caasimadda Baqdaad, si ay uga mudaaharaadaan qur’aanka lagu gubay afaafka hore ee safaaradda Ciraaq ee Denmark.

Dibad baxayaasha Ciraaq oo da’ yar u badnaa ayaa ku dhawaaqayey “haa, haa Quraanka” iyo erayo kale waxayna ciidamada Ciraaq ka hor tageen in ay dibad baxayaashu gudaha u galaan aagga cagaaran ee aadka loo ilaaliyo. Waxay jareen laba buundo oo soo gasha aagga.

Booliska ayaa muujiyey in ay dibadbaxayaashu isku dayayeen in ay galaan safaaradda Denmarka ee Baqdaad.

Haddaba waa kuwee dalalka oggol in Kitaabka Qur’aanka la gubo?

Dalalkan Yurub ku yaalla ayaa waxay dhammaantood leeyihiin shuruuc dadka Qur’aanka gubaya u oggolaaneyso taas oo ay ku sheegeen inay ka mid tahay xorriyatul qowlka.

Sweden

Sweden ayaa dhowr goor lagu gubay kitaabka Qur’aanka, tallaabooyin ay ka dhasheen caro iyo cambaareyn xooggan. Ciiddii ayay ahayd markii nin Ciraaq ka soo jeedo uu kitaabka ku hor gubay misaajid hortii iyadoo weliba ay tahay maalin Ciidul Adxa ah.

Salwan Momika oo xaggiisa danbe ay taagan yihiin askar booliis ah, xilli uu ku sugnaa bannaanka masaajidka Stockholm, isaga oo lulaya calanka dalka Sweden, heesta qaranka ee dalkaasina ay ka ag baxaysay ayaa laba u kala jeexay dabna qabadsiiyey kitaabka qur’aanka kariimka.

Telefishinka SVT ee dalka Sweden ayaa sheegay in bandhiggaasi uu ku dhamaaday si nabad ah, iyaga oo sii raaciyey in ninkii ka dambeeyay banaanbaxa uu jeexjeexay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, uu bogag ka mid ah kabihiisa ku masaxay halka uu qaarna ku laalaabay hilib doofaar caydhiin oo uu watay, arrintaas oo dad badan u arkayeen in uu rabay in dareenka dadka muslimka uu ku kiciyo.

Momika oo ah Qaxooti Ciraaqi ah ayaa u ololaynaya in dalka Sweden kitaabka laga joojiyo. Waxaana falkiisaas ka cadhooday malaayiin Muslimiin ah oo dareenkooda ku muujiyey baraha bulshada iyo dalka Turkiga, oo falkaas ku tilmaamay waxaan loo dul qaadan Karin.

Dowladda Swden ayaa canbaareysay falkan balse waxay wasaaraddeeda arrimaha dibadda sheegtay in Sweden ay leedahay xuquuq uu dastuurka ilaaliyo sida xaqa isu imaatinka, xorriyatul qowlka iyo banaanbaxyada.

Denmark

Waxaa ugu dambeysay dhacdadii Jimcihii ka dhacday ee carada dhalisay ee ay kooxoo lagu magacaabo Dansik Patriot oo kasoo jeeda Denmark ay soo dhigeen muuqaal muuqaal nin gubaya wax u muuqday Qur’aanka isla markaana ku tumanaya calanka Ciraaq.

Inta badan dadka guba kitaabka Qur’aanka waxay adeegsadaan sharciyada xoriyatul-qowlka.

Nidaamka ka jira dalalka reer galbeedka ayaan xakameyneyn xaqa ay dadka u leeyihiin inay dibadbaxaan xitaa hadalkoodu naceyb ka buuxo.

Rasmus Paludan oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga midigta fog ee Denmark ayaa hore kitaabka Qur’aanka ugu gubay banaanka safaaradda Turkiga ee Stockholm.

Ninkan ayaa sidoo kale isku dayay inuu UK yimaado si uu isla falkaas ugu celiyo. Wuxuu doonayay inuu tago Yorkshire balse dowladda UK ayaa u diiday inuu dalkeeda yimaado.

Norway

Waxaa sannadadii dambe qaarada Yurub kusoo badanayay xisbiyada iyo ururada midagta fog, kuwasoo ka soo horjeedo Islaamka iyo ajaaniibta ay baday maciin inay ku noolaadaan dhulalkaan aan kooda asalka ah ahayn.

Norway ayaa waxay ka mid tahay dalalka Yurub ku yaalla ee lagu gubi karo kitaabka Qur’aanka iyadoo ku saleyneyso xorriyatul qowl.

Bishii Febaraayo ee sannadkan ayaa koox dibad baxayaal oo la sheegay inay Islaamka neceb yihiin doonayeen inay Kitaabka Qur’aanka ku hor gubaan safaaradda Turkiga ku leeyahay magaalada Oslo ee dalka Norway.

Dowladda ayaa markii hore u oggolaatay balse markii dambe booliska ayaa joojiyay muddaaharaadkaas lagu doonayay in Qur’aanka lagu gubo saacado un ka dib markii wasaaradda arrimaha dinadda Turkiga ay u yeertay safiirkii Norway u fadhiyay Ankara.

Hase yeeshee Booliska ayaa sheegay inay u hakiyeen sababo la xiriira amniga iyagoo aaminsan in kooxdan ay xaq u leeyihiin inay dibadbaxaan.

Ad
Previous articleMasuulkii Ka Tirsanaa Maamulka Gobalka Banaadir ee Lasheegay inuu Alshabaab u goostay oo Saxaafada Lahadlay war layaab lehna sheegay
Next articleWAR DEG DEG AH:Al-Shabaab oo dagaal Culus kula wareegtay deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay