Home Wararka Maanta Waa kuma ninka Soomaaliga ee Ingiriiska ku dilay haweeneey waddo lugeyneysay habeen...

Waa kuma ninka Soomaaliga ee Ingiriiska ku dilay haweeneey waddo lugeyneysay habeen madoow?

0

Nin Soomaali ah, balse degan waddanka Ingiriiska, ayaa waxaa lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii uu si safmar ah tooray ugu xagay dad gaaraya ilaa 32 ruux, balse ugu dambeyntii uu haweeney ku dilay koonfurta London.

Ninkaan oo lagu magaacbo Mohamed Nuur oo 34 jir ah waa waxa uuku hubaysnaa tooreey gacanta lagu sameeyay markii uu dhuunta kala goynayay haweeneey lagu magacaabo Johanita Kossiwa Dogby, oo 31 jir ahayd xilli habeen ah gudaha Brixton, taariikhdu markii ay ahayd 1 dii May 2023 dii.

Gabadha ayaa waxa ay dhex lugeyneysay beerta Stockwell, kadib markii ay ka soo dhamaatay bartamaha London oo ay u aaday tukaameysi. Nuur oo gadaasheeda ka yimid ayaa weerar ku qaaday, meesha ayayna ku naf baxday.

Wax yar ka hor xilliga falkaas dhacayo ayaa waxaa la sheegay in uu dooxay laba haween ah iyo nin, falkaas ayaa lagu tilmaamay in uu ahaa “mid aan wax sabab u ahaa aysan jirin, hadaf la’aanna uu ahaa”.

Gabadha la dilay ee Dogbey walaasheed ka yar oo lagu magacaabo Laura ayaa oohin is celinwaysay gudaha maxkamadda intii ay aqrineysay saameynta xoogan ee soo gaartay dhibanaha, iyada oo sidoo kale xustay walaashe “miskiinta aheed, ee ay aadka u jecleed” taas oo ay ku qeexday in ay ahayd “saaxiibteedii ugu fiinceed iyo mid ilaalin jirtay mar walba”.

Waxay sheegtay in walaasheeda ka wayni ay ku dhiirri galisay aqriska iyo qoraalka ayna u soo iibisay boogaag, laakiin dilkeedu “uu iyaga oo dhan dilay”.

Walaasheed waxa kale oo ay sheegaty in ay u fariisan waysay imtixaanadii iskuulka, iyada oo tiri “Meel walba oo aan joogaba, maskaxdaydu waxay dib iigu celisaa maaliinkaas naxdinta badneed”.

Waa kuma Mohamed Nuur?
Mohamed Nuur ayaa waxa uu tagay dalka Ingiriiska sanadkii 1993 sii, sida ay sheegtay maxkamaddu, isaga oo mar dambe noqday qof aan hoy lahayn oo darbiyada seexda, sida la sheegayna waxaa kale oo uu noqday nin muqaadaraadka aad u laasimay.

Waqtiga uu ku kacayo falalka weerarka ah ayaa la sheegay in uu ku noolaa hoy loogu talo galay dadka waawayn ee jilicsan oo ku taalla Vauxhall, oo ah koonfurta London.

34 jirkaan ayaan xaadirin dhamaan garmaqalka dacwadihii loo haystay.

Qaadi Angela Rafferty ayaa u sheegtay maxkamadda in hadii Nuur aan la qaban lahayn in uu geysan lahaa weeraro kale.

Nuur ayaan imaan maxkamadeynta oo ka dhacaysay Old Bailey.

Qaadiyada Angela oo si qumaati ah u eegeysay halkii ay ahayd in uu eedeysanuhu ku sugnaado, ayaa waxay riday xukunka, waxayna sheegtay in ay codsaneyso in xukunka loo gudbiyo xabsiga Belmarsh.

“Weeraradu waxay ahaayeen kuwa lama filaan, ujeedo la’aan iyo argagax leh,” ayay tiri, iyada oo soo xiganeysay muuqaalkii Dogbey ayay ku sheegtay “mid xanuun leh”, iyada oo intaas raacisay “in falalkaas aadka u xun aysan u hayn erayo lagu qeexo”.

Waxay sheegtay in ay ku qanacday in Nuur banaan iska aaday si uu qof uun u weeraro maalinkaas, iyada oo tiri “waxa uu ahaa weerar ujeedo la’aan ahaa, darnaa naxdina lahaa, kaas oo uu u geystay qof aysan waligeed la kulmin”.

Nuur ayaa kol hore qirtay in uu dilay haweeneydaan oo uu haysto mindi, iyo sidoo kale hub kale oo laga sameeyay dhalo jabtay. Warkaas ayuu sheegay maalinkii la qabtay maalintii ku xigtay.

Balse waxa uu diiday in uu geystay saddex eed oo ahaa in uu dhaawacyo gaystay xilli uu weeraro kale fulinayay, laakiin taas ayaa xita maxkamaddu ku heshay 13 kii May kadib dacwad la dhagaystay.

Xubno ka Tirsan Kooxda Shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa daraawiishta Jubaland ay iska kaashadeen howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab. Howlgalkaan ayaa ka

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,
Ad
Previous articleWararkii Ugu danbeeyey Soomaaliya oo madal caalami ah geysay xad-gudubka Itoobiya ee Badda
Next articleAxmed Madoobe oo ku jira Xiligiisui ugu adkaa Iyo Culays kasoo Wajahay Dib u Doorashadiisa