Kacdoonka qabaa’ilka ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayey dad badan u arkaan inay tahay fursadda ugu wanaagsan ee looga adkaan karo kooxdan oo sanado badan ay ciidamada dowladda ka guuleysan waayeen.
Hase yeeshee, laba xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka horyimid arrintan, taasi oo dad badan ka yaabisay.
Xildhibaanadan ayaa kala ah; Cabdirizaaq Xusul oo baarlamanka kasoo gala Galmudug iyo Xasan Cabdinuur oo kasoo gala Koonfur Galbeed, horeyna ugu tartamay guddoomiyaha golaha shacabka.
Cabdirizaaq ayaa aad u qabsaday warbaahinta, hase yeeshee waxaa sidoo kale arrintan ka hadlay balse aysan waraabhinta ku baraarugin Xasan Cabdinuur.
“Madaxweynow wixii aan dowladnimo lagu wajihi karin qaab beeleed looma wajihi karee tareenka haynala qalibin,’ ayuu yiri Xasan Cabdinuur oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook, isaga oo ka hadlay arrintan.’
Xildhibaan Cabdirizaaq Xusul ayaa isna ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee Macawiisley ku sifeeyey kuwo khatar ku ah Soomaaliya, isagoo marna aan wax-xun ka sheegin kooxda Al-Shabaab oo dhibaato badan ku heysa dadka Soomaaliyeed.