Home Wararka Maanta Waa kuma horjoogaha Al-Shabaab ee markuu dowladda isku soo dhiibay ay doodda...

Waa kuma horjoogaha Al-Shabaab ee markuu dowladda isku soo dhiibay ay doodda ka dhalatay

0

Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur oo muddo dheer ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa shalay isu soo dhiibay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ee sugan Wisil.

Ninkaan waayo badan ayuu kasoo tirsanaa madaxda ugu sareysa kooxda, wuxuuna ka howl-geli jiray koonfurta gobolka Mudug iyo bariga gobolka Galgaduud.

Wuxuu ka mid yahay shaqsiyaad xil ka hayey Al Shabaab oo dawladda Soomaaliya ay baadigoobaysay.

Wararka qaar waxay sheegayaan in uu dadka ugu yeeri jiray inay yimaadaan degmada Xaradheere, halka qaarna uu telefoonno ku weydiin jiray inay u hogaansamaan amarro uu siinayey.

Wuxuu da’ ahaan Nuur ku jiraa qiyaastii dabayaaqada afartameeyada ama horraanta kontomeeyada

Sida uu BBC u sheegay Xildhibaan Cabdiladiif Sanyare, Nuur Deeq waa nin markiisi hore ganacsade ahaa, ka hor intii uusan ku biirin Al Shabaab, qoys ahaanna ka soo jeeda qoys magaalada Gaalkacyo caan ka ah oo la yiraahdo “reer Maalinguur”

Maxay tahay hadal haynta ka dhalatay ninkan dowladda isku soo dhiibay ee al-shabab ka tirsanaa?

Baraha bulshada ee ay Soomaalida ku wada xiriirto ayaa waxaa tan iyo shalay qabsaday Nuur-deeq Cabudullaah oo Al-Shabab u qaabilsanaa gobolka Mudug ee isku soo dhiibay dowladda ka dib markii qaar ka mid ah xilldhibaano ay isku heyb yihiin ay bartooda Facebook soo dhigeen qoraallo ay taageero ugu muujinayaan Nuur.

Fecabook-ga Xildhibaan Qaali Shire ayaa lagu daabaacay qoraalka: “Nuur-deeq kama xuma kuwo boqolaal laayey ee hadana xilal dowladda ka haya, caadi iska dhiga, isaga iyo Allaah ayaa ku xisaabtamaya, dowladuna cafis ayey u fidin doontaa, halkaan xabaa nooga jiray, isagana waan soo xareynay”.

Dhanka kale Guddoomiye Seynab Xaabsay ayaa barteeda Facebook ku soo qortay “Ma isla soconaa? Waxaa yimid maandheere, soo dhawaaw mudane soo dhawaaw. Inta maangaabka ahna warkooda waa in bartooda loogu tago hadii kale noqda maandheerayaal gacan save ahna soo gala, dalkaan mudo yar kadib waa wada save inshaallah.”

In kastoo Xildhibaan Qaali muuqaal ay soo dhigtay barteed Facebook ay ku sheegtay in laga jabsaday Facebook-geeda qoraalkaana uusan ka turjumeyn aragtideeda.

Sidoo kale waxay dadku aad u dhaliilayeen sawirradii ay Nuur la soo galeen wasiir Fiqi iyo Xildhibaan Cagaweyne oo ay isku hayb yihiin.

Xildhibaan C/ladiif Muuse Nuur (Sanyare oo la dhashay guddoomiyihii gobolka Mudug ee la dilay, Axmed Muuse Nuur, wuxuu sheegay in ninkaas uu ahaa nin jariimooyin gaystay.

“Markii hore wuxuu ka shaqaynayey isku dirka Waqoyiga iyo koofurta Gaalkacyo isagoo ganacsade ah, markii dambena wuu caddaystay Shabaabnimada, wuxuuna qayb ka ahaa dagaalladii Wisil iyo qaraxyadii ka dhacay, odayaal ayaana gudaha u joogay isna lacagaha ayuu guri jiray” ayuu yiri Sanyare.

Wuxuu ka digay in aan lagu “kadsoomin” in la soo dhoweeyo qof aan ahayn wiil yar oo soo goostay. “Ninkan waa nin weyn, waana nin macluumaad badan haya. dad baaritaanka aad u yaqaanna waa in ay baaraan” ayuu raaciyey xildhibaanka oo la hadlayey BBC.

Wasiirka Arrimaha dibadda, Axmed Macallin Fiqi oo sawirka uu la galay uu muran xoog leh dhaliyey isna wuxuu meesha ka saaray sheekooyinka baraha bulshada. “Ninkaas wuxu ahaa nin abaabula dagaallo badan oo lagu hoobtay oo ka dhacay Mudug iyo Galgaduud, Xiriir socday 10kii maalmood ee la soo dhaafay oo ay la wadeen saraakiisha iyo maamulka Wisil ayuu shalay isku soo dhiibay ciidanka dawladda, wuxuuna haadda ku jiraa gacanta dawladda” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wuxuu intaa raaciyey in uu ka faa’iidaystay cafiska madaxweynaha, lana marsiiyo hanaanka la mariyo saraakiisha ka soo goosata Al Shabaab.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Degmada Cadale kula afuray Madax kala duwan iyo Saraakiil:- Sawiro

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa degmada Cadale kulan afur ah kula qaatay hoggaanka iyo siyaasiyiinta deegaanka, ciidammada shacabiga ah ee

Caasimada Khartuum inteeda badan oo laga saaray Kooxda RSF

Taliyaha ciidamada Sudan, Jen. Cabdi Fattax Al-Burhan ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo inay milatariga la wareegeen gacan ku heynta caasimadda Khartuum Talaabadan ayaa noqonaysa guushii ugu sarreysay oo milatariga

Kooxda Shabaab oo lagu arkay inta u Dhaxeysa Muqdisho iyo Afgoye:- Sawiro

Shacabka Muqdisho ayaa caawa si aad ah u hadal haya xubno ka tirsan Al-Shabaab oo gabal dhicii maanta lagu arkay wadadda u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye Waxay halkaas isugu keeneen

Dagaalka Khartuum oo Xoogeestay iyo Ciidanka RSF oo la go’doomiyay

Ciidanka milatariga dalka Sudan , ayaa weerar culus oo u muuqda soo afjarid ku qaaday saacado kahor goobaha ay magaalada Khartuum kaga sugan yihiin ciidanka gurmadka deg degga ee RSF,

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgalo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Saraakiisha hoggaamineysay
Ad
Previous articleQoor Qoor oo gaaray Meel ku dhow Ceelbuur Xili Ciidmada Dowladu Kasoo Baxeen(Sawiro)
Next articleFarmaajo war kasoo saaray Xaalada Dalka Baaq Cajiib ahna Diray