Home Wararka Maanta Waa kuma cunto-kariyihii Soomaaliga ahaa ee geeridiisa ay gilgilashay xaafaddii uu kaga...

Waa kuma cunto-kariyihii Soomaaliga ahaa ee geeridiisa ay gilgilashay xaafaddii uu kaga noolaa Mareykanka?

0

Axmed Cumar, oo ahaa mulkiilihii goobta cunno ee magaalada Burlington ee dalka Mareykanka, ayaa la soo sheegay in uu geeriyooday sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Yuusuf Cali oo ah, madaxweynaha midawga Muslimiinta ee gobolka Vermont.

Axmed Cumar, ayaa ahaaa kuug iyo mudane aad looga jecel yahay magaaladaas, si gaar ah xaafaddii u degganaa, xilli goobtiisana lagu xasuusto cunto habboon iyo soo dhaweyn sarraysa.

Geeridiisa oo gilgishay xaafaddii uu degganaa, ayaa ahayd mid kedis ah, lamana shaacin waxa sababay.

Axmed ayaa Mareykanka tegay sanadkii 2004 isagoo 17 jir ahaa, wuxuuna ka qalin jebiyay Dugsiga Sare ee Burlington.

Axmed, ayaa sida oo kale caan ku ahaa bartiisa Youtube-ka oo uu dadka ku bari hababka cunto karinta si gaar ah cuntada Soomaalida, isaga badanaa ku hadlaya Af-soomaali.

Wuxuu maqaaxidiisa ugu magac daray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaasoo uu isagu kasoo jeedo.

Waxaa uu jirey da’aadda Soddomeeyada, wuxuu ahaa aabbe dhalay laba gabdhood oo yaryar. Waxa uu furay maqaaxida oo uu ku tilmaamay mid dhaqamo kala duwan u taagan sanadkii 2019.

Saameynta Axmed uu ku lahaa xaafaddiisa way ka qoto dheereyd cunnada maqaaxida. Wuxuu saaxiibtinnimo sa adag la lahaa xubnaha bulshada xaafadda iyo xitaa meelaha ka baxsan Vermont, taasoo muujineysa shakhsiyaddiisa soo jiidashada leh.

Maqaaxidiisa oo ah tan keliya ee Soomaali leedahay ee xaafadda ka furan, ayuu sheegay in furitaankeeda ay u ahayd riyo u rumowday.

Wuxuu hiigsanayay Axmed inuu sii ballaariyo maqaayadda, uuna cunnada Soomaalida sii gaarsiiyo meelo badan.

Bartiisa Youtube-ka ayuu dadka ku dhirrigelin jiray inay cunaan cunno caafimaad leh.

Inta uusan maqaaxida furan, wuxuu barta online-ka dadka ku bari jiray sida jirka loo dhiso iyo cunnooyinka u fiican.

Waxaa laga soo xigtay, “As long as I can remember, I have always loved cooking. About three weeks after arriving in Vermont, I found a job at a local fastfood restaurant in Burlington. Over the next few years I took cooking classes, worked in catering, and enrolled in college before finally getting into culinary school. I worked my butt off over that time, and now I own my own restaurant.”

Sheekada ka danbaysa goobtiisa cunto ee Kismayo Kitchen.

Jikadii Kismaayo ama Kismayo Kitchen oo uu Axmed ugu magacdaray magaaladii uu ku dhashay ee Kismaayo ayaa caan ku noqotay cunnada Soomaalida, sida hilibka, bariiska iyo maraqa qumbaha oo hilib digaag lagu sameeyey, iyo waliba cunnooyinka Ameerikaaka ah, sida hilibka jiiska leh ee Philly.

Ku dhawaad labaatan sano ka hor ayaa ay ahayd markii uu dalka Maraykanka yimi, sida uu u sheegay warbaahinta magaaladaas mid ka mid oo waraysi kal hore ka qaadday, hooyadiis ayaa cunta kariye ahaan jirtey.

Markii uu yimi Maraykankana waxa uu rabay in uu halkaas ka sii wado oo raco raaadkii hooyadii.

Waxaana uu casharro cunta karinta ka qaatay City Markey, halka uu sida oo kalena bartay nafaqada iyo qaybaheeda.

Waxa uu hore sheegay in Nooca meherad cunteed ee uu halkan ka sameeyey ay tahay mid qofka yimaaddaa odhan ‘Oh! Way ka duwan tahay meelihii aan ka soo cunteeyey oo dhan’ waxaana uu sheegay in hankaa uu gaadhay oo dad badan jeclaysteen kolkii meeshiisa ay yimaaddeen.

Dadka reer Vermont ayaa ka xasuusan doona dhoollacadayntiisii iyo adeeggiisii hufnaa, isaga oo weyna uga dhex muuqan jirey isu imaatinnada bulshada gaar ahaan muslimiinta, oo afurin mararka qaar sida dhacday ramadaantii tagtay oo kale.

Axmed Cumar ayaa waraysi uu siiyey bogga lagu magacaabo Seven Days in ujeeddadiisu tahay markii hore in uu caawiyo dadka kale ee Soomaalida ah si ay u karsadaan cunto caafimaad leh.

Soomaalida ayuu ku tilmaamay: “waxaa dhaqan u ah in ay badanka cunaan cuntooyinka karbohaydrayt ah”. Soomaalida hadda ku nool Mareykanka ayaa uu sheegay in uu sida oo kale uu rabo in uu uga digo cuntooyinka shirkaduhu sameeyaan, ujeedka ugu weyn ee aan leeyahay waa inaan dadkayga baro cunto fiican oo si fudud loo sameeyey : “Cuntooyinka aan fiicnayn ee ay sameeyaan shirkaduhu.”

Ad
Previous articleP.M Xamsa Cabdi Barre oo Jaga Sare u Magacaabay Dr Hodan Cismaan Cabdi.
Next articleMasaajid Ku Yaalay Dhuusamareeb iyo Kitaabadii Ku Jiray oo lagubay(Sawiro)