Home Wararka Maanta Waa Ku Waan 40ka Xiddig Ee Ugu Qiimaha Badan Dunida Ee Heshiisyada...

Waa Ku Waan 40ka Xiddig Ee Ugu Qiimaha Badan Dunida Ee Heshiisyada Xorta ah lala Gali karo iyo Kooxaha Ay ka Tirsanyihiiin

0

Maalmo kooban ayaa ka hadhay suuqa iibka ciyaartoyda ee January oo la filayo inuu ka mashquul badnaado sidii uu ahaan jiray sannadihii hore, waxaana qasnadahooda jabinaya kooxo badan oo ay ku jiraan quwadaha Premier League ee Manchester United, Liverpool iyo Chelsea.

Jurgen Klopp ayay kooxdiisa Liverpool horeba u xaqiijisatay saxeexeedii koowaad oo ah Cody Gakpo, laakiin Graham Potter ayaa dedaal badan samaynaya si uu u helo saxeexyo soo nooleeya kooxdiisa kaalinta siddeedaad fadhida. Arsenal way sheegtay inay samaynayaan saxeex weerar ah, hase yeeshee Manchester United ayuu culays badan saaran yahay oo lacago badan farraqi doonta.

Koobkii Adduunka ee dhowaanta lasoo gabogabeeyey ayaa sii kordhiyey mashquulka suuqa January, waxaana la kala jiidanayaa ciyaartooyo si fiican isku muujiyey.

Sidaas oo ay tahay, waxa jira ciyaartooyo badan oo heshiisyo xor ah u saxeexi kara kooxaha ay doonayaan maadaama qandaraasyadoodu ku egyihiin dhamaadka xilli ciyaareedkan. Chelsea waxa iyada oo arkaysa ay toddobaadka dambe xor u noqon doonaan xiddigaheeda N’Golo Kante iyo Jorginho inay la hadlaan kooxda ay doonaan, lagamana joojin karo haddii aan lagu qancin in heshiis cusub ay u saxeexaan Blues.

Liverpool ayaa sidoo kale lumin karta Naby Keita iyo Roberto Firmino oo ka mid ah afar ciyaartoy oo qandaraaskoodu ku egyahay bisha June, waxaana wehelinaya Oxlade-Chamberlain iyo James Milner.

Man United ayaa go’aamo ka qaadatay afar ciyaartoy oo ay u hirgelisay qodob ku jiray qandaraaskooda oo ahaa in ay 12 bilood oo kale sii haysato, waxaana ciyaartoydaasi yihiin Marcus Rashford, Fred, Dalot iyo Aaron Wan-Bissaka hase yeeshee waxa aan wali lala hadal David Dea. City ayaa iyaduna u dhow inay lumiso Ilkay Gundogan.

Dhinaca horyaallada kale, Lionel Messi ayaan wali saxeexin heshiis cusub oo kusii hayanaya PSG, sidoo kalena Real Madrid ayaa darsin ciyaartooyo ah ay bishan xor u noqon doonaan inay kooxo kale heshiisyo hordhac ah lasii galaan, waxaana ka mid ah Luka Modric, Toni Kroos, Karim Benzema, Marco Asensio iyo Nacho.

Liiska hoose waxa aanu idiinku soo gudbinaynaa 40ka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan ee bisha January xorta u ah inay kooxo kale heshiisyo hordhac ah lasii galaan.

Milan Skriniar (Inter Milan), Lionel Messi (PSG), Youri Tielemans (Leicester), Karim Benzema (Real Madrid), Jorginho (Chelsea), Wilfried Zaha (Crystal Palace), Marcus Thuram (Gladbach), Evan Ndicka (Frankfurt), Leandro Trossard (Brighton), Thomas Lemar (Atletico Madrid), N’Golo Kante (Chelsea), Daichi Kamada (Frankfurt), Youssoufa Moukoko (Dortmund), Roberto Firmino (Liverpool), Konrad Laimer (RB Leipzig), Ilkay Gundogan (Man City), Adrien Rabiot (Juventus), Marco Asensio (Real Madrid), Viktor Tsygankov (Dynamo Kyiv), Caglar Soyuncu (Leicester), Toni Kroos (Real Madrid), Memphis Depay (Barcelona), Raphael Guerreiro (Dortmund), Alejandro Grimaldo (Benfica), Ramy Bensebaini (Gladbach), Jonathan Bamba (Lille), Naby Keita (Liverpool), Houssem Aouar (Lyon), Ruslan Malinovskyi (Atalanta), Moussa Dembele (Lyon), Nelson Semedo (Wolves), David de Gea (Man Utd), Stefan de Vrij (Inter), Andrea Belotti (Roma), Hector Bellerin (Barcelona), Adama Traore (Wolves), Luis Muriel (Atalanta), Luka Modric (Real Madrid), Angel Di Maria (Juventus), Marcos Alonso (Barcelona).

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMagaalada Muqdisho oo la keenay Odayaashii Reer Xaaji Saleemaan ee Heshiiska la galay Kooxda Shabaab
Next articleKu Dhawaad 15 Qof Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Shil Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.