Home Wararka Maanta Waa Imissa Tirada Dadka Soomaaliyeed ew Sanadkaan Xajka Ku Dhintay?

Waa Imissa Tirada Dadka Soomaaliyeed ew Sanadkaan Xajka Ku Dhintay?

0

Sanadkaan dadka ka tagay Soomaaliya ee gudanaayay xajka waxay ahaayeen 11,500 sida uu sheegay agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahim oo BBC-da u warramay, aduunyadana 1.83 milyan oo ruux wax ka badan ayaa tagay xajka.

Balse kulaylka darran ee sanadkaan ka dhacay Sacuudiga ayaa sababay dhimashada xujeey gaaraya 550 ruux, waxaana la sheegay in Soomaali ay ka mid tahay dadka dhintay.

Dadyoow badan oo kale ayaana sidoo kale la’a eheladooda oo aaday xajka. Heer kulka cimilada ee Sacuudiga oo gaadhay meelsare ayaana sababay dhimashada faraha badan ee dadkaan.

Wasaaradda diinta iyo awqaafka Soomaaliya ayaa BBC da waxa ay la wadaagtay inta ay la egtahay tirada dadka Soomaaliyeed ee ku geeriyooday kulayka sanadkaan, inkasta oo ay sheegtay wasaaraddu in mid kami dihi ku dhintay shil dhacay.

‘‘Xujeyda Soomaaliyeed waa badqabaan way fiicanyahiin, lix xaaji baa dhimatay, inta hadda la xaqiijiyay waa lix qof sabaha dhimashada hal qof unbaa shil ahaa” Ayuu yidhi agaasimaha Wasaaradda diinta iyo awqaafta Maxamed Xaaji Ibraahim oo ka war bixinaya xaaladda xujeyda Soomaaliya ee sanadkaan.

“Dadka cimilada kulaylaha ka yimid oo dalkoodu yara kulaylaha iska ahaa, adkaysigoodu waa badnaa,” ayuu dhahay Maxamed Xaaji Ibraahim oo aaminsan dadka Soomaalida ah ee sanadkaan xajka ku dhintay in ayna keliya kulayle bas ah u dhiman.

In ka badan 550 qof ayaa ku dhimatay sida ay qortay wakaalada wararka ee AFP, illaa iyo hadda dadka lama shaacin wadamada ay sida tooska ah ugasoo kala jeedaan balse diblumaasiyiin Carab ah oo wakaalada wararka ee AFP u warramay ayaa sheegay in dadkaas 323 qof oo kamid ah ay kasoo jeedaan wadanka Masar 60 kalena ay u dhasheen dalka Jordan.

Ad
Previous article𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑/𝐖 𝐗𝐚𝐦𝐳𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐤𝐚 𝐚𝐟𝐠𝐚𝐦𝐛𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐆𝐮𝐮𝐝𝐥𝐚𝐚𝐰𝐞
Next articleXildhibaan Fowsiyo Yusuf Haji Adami oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho oo sheegtay in aanay ka tanaasuleyn…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here